Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay kulan ardayda Soomaaliyeed ku yeesheen Ankara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 10, 2015
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay kulan ardayda Soomaaliyeed ku yeesheen Ankara

Danjire Maxamed Mursal iyo Wariye Xudeyfi- SAWIR HORE

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay shir  ay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaasi ay ku yeesheen magaalada Ankara ee xarunta waddanka Turkiga.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qeyb galay culimo iyo saraakiil ka socotay safaaradda. Kulanka waxaa lagu soo bandhigay xaaladda ay ardayda Soomaaliyeed ku sugan yihiin iyo tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan.

Related posts

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025

Danjire Maxamed Mursal ayaa ardayda Soomaaliyeed ku guubaabiyay inay ka faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay helaan isla markaana ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka iyo dowladda Turkiga ee deeqda waxbarasho siiyay.

Sidoo kale Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan oo safaaradda u qaabilsan hiddaha iyo tacliinta ayaa ka hadlay shirkaan, isagoo tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay ardaydan ka sugeyso inay dalka kula soo laabtaan cilmiga la baray isla markaana ay bulshada wax ku soo kordhiyaan.

Kulankaan oo lagu magacaabo “Ankara show” ardayda SOomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ayaa sanadkii mar qabsada, waxaa dadka ka soo qeyb galay sanadkaan ka mid ahaa Sheekh Bashiir Amaal cali Mire oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Previous Post

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb

Next Post

Guddiga ku howlan xallinta dagaal-beeleedka ka dhacay Beledweyne oo go’aanno soo saaray

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Guddiga ku howlan xallinta dagaal-beeleedka ka dhacay Beledweyne oo go'aanno soo saaray

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

June 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hoggaaminayey wafdi heer sare ah oo...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

June 11, 2025
0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar,ayaa si gaar ah ugu boorrisay Saraakiisha iyo Kormeerayaasha Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In