Falkani naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Mitchell Plain ย ee Magaalada Cape town kadib markii nin Soomaali ah oo ku hubeysanaa bastoolad uu weerar ku ย qaaday goobo ganacsi oo ku yaala deegaankaasi ย waxaana uu toogasho ku dilay 3-ruux oo Soomaali ah kuwaa oo ugu tagay goobahooda ganacsi.
Waxa ย sidoo kale rasaas uu ku furay dad shacab ah oo goobtaasi ka ag dhawaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ruux oo Soomaali ah iyo ruux South africaan ah waxaana ย intaasi kaddib uu isku dayay in uu halkaasi ka baxsado balse ciidamada police-ka dalkaasi oo durba goobta soo gaaray ayaa gacanta ku dhigay Ruuxa dilalkani toogashada ah geystay.
Marka uu falkaasi dhacay kadib ayaa waxaa wariyaha warbaahinta Qaranka ee Koonfur Africa C/llaahi Qorshe u suura gashay in uu gaaro deegaanka ay dhacdadani ka dhacday waxaana uu kula kulmay qaar ka mid ah dhalinyaro soomaali ah oo goobtaasi ku sugnaa xilliga uu falka dhacayay waxaana ay u sheegeen in mar qura ay ka war heleen rasaas lagu soo ridayo .
Waxaa Sido kale ay u wariyuhu sheegeen in ninka falkaan geystay uu ahaa nin aad looga yaqaano deegaanka Mitchell Plain islamarkaana uu mararka qaar masjidka deegaanka ka dukan jiray salaada balse aysan garaneyn sababta iminka keentay in uu ku kaco falka noocaasi oo kale ah.
Boqolaal Soomaali ah ayaa Isugu soo Baxay Goobta uu falka ka dhacay waxaana ay aad uga xumaadeen dhacdada naxdinta leh ee ka dhax dhacday soomaalida ku nool deegaankaasi ayada oo ay qaarkood ilmeynayeen maadaama muwaadiniinta geeriyooday ay ahaayeen rag aad looga qadariyo deegaankaasi oo ay soomaalida ku nooshahay.
Odoyaal iyo culimada Soomaalida oo Goobta kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa Xusay in dhacdadani ay tahay musiibo ku dhacday soomaalida waxaana ay ugu baaqeen in xaalada la dajiyo islamarkaana bulshada aan loo ย kala qaadin warar abuuri kara colaad dhax marta dad walaalo ah.
Ma Cada ilaa iminka Sababta ka Dambeysay in ninkaan uu ku Kaco Falkaan Waxaase Socda Baritaano ay wadaan Ciidamada Police-ka iyada oo ninka falka geystay iyo kuwa la toogtay sida la sheegay ay dhowr mar oo hore ka wada qeyb qaateen Ijtimaac Ay Culimada Tabliiqa ku aadeen Gobolo ka tirsan Dalka South africa.
Allaha u Naxariistee Muwaadiniinta Geeriyootay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiwahaab Nusliiro,Cabdi Madoobe,Maxamed-qani Xasan Maxamed Soo fariiste, waxaa ย la filayaa in lagu aaso qabuuraha Muslimiinta Ee Magaalada Cape Town Haduu alle idmo Salaada Duhur Kadib.