Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada 55- Sano Guuradii ka soo wareegatay Markii la aas aasay Ciidanka Cirka Soomaaliya oo qeyb ka ah Ciidanka Xooga Dalka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,Wasiira Cusub ee Gaashaandhiga Gen Cabdul qaadir Sheekh Cali Diini, Abaanduulaha Ciidanka Xooga, Ahna Ku simaha taliyaha, iyo Taliyaha Ciidanka Badda, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka ayaa waxaa ay Munaasabada ku soo bandhigeen Gaada ka ciyaar Qurux badan, iyadoo Ciidanka baambeyda Xooga Dalka ay qayb ka ahaayeen Munaasabada Mas’uuliyiinta ayaana Salaan ka qaatay Ciidanka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot) Khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay taariikhda Ciidanka Cirka iyo marxaladihii uu soo maray iyo sida hadda uu yahay wuxuuna uu hoosta ka xariiqay in ciidanka cirka uu u baahan yahay dib u dhis xoog leh taasi uu sheegay in marnaba aan riyo lagu dhisi Karin laakiin loo baahan yahay dadaal xoog leh.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee ahna ku simaha Taliyaha Sareeyo Guuto C/risaaq Khaliif Cilmi oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidanka Cirka iyo xaasaskooda, isagoo ka hadlay qorshaha ay ku doonayaan in dib ay u dhisaan ciidanka Cirka oo ah lafdhabarka dowladda Soomaaliya.

Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliya oo u dabaal dagaya 55-sano guuradii ka soo wareegatay Aas Aaska Ciidankaasi, isagoo u rajeeyay Taliska Ciidanka Xooga in uu horumariyo Ciidanka Cirka Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale uu muujiyay in si wadajir ah munaasabadaasi ay kaga qeyb galaan isaga iyo wasiirka xilka la wareegaya C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Gaba gabada munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay Wasiirka cusub ee xilka la wareegaya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo u hambalyeeyay ciidamada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Cirka uu ku tilaabsaday, isagoo sheegay in ciidanka uusan aheyn laba sano ka hor sidii uu ahaa.

Previous Post

Guddiggii colaada Guriceel oo sheegay in ay meel wanaagsan u marayso howlaha nabadeynta ah

Next Post

Wasiirada Cadaalada,Dastuurka iyo Waxbarashada oo maanta la wareegay xilalkooda”SAWIRO”

Next Post
Wasiirada Cadaalada,Dastuurka iyo Waxbarashada oo maanta la wareegay xilalkooda”SAWIRO”

Wasiirada Cadaalada,Dastuurka iyo Waxbarashada oo maanta la wareegay xilalkooda"SAWIRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In