Sunday, June 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo ku baaqay in la maalgeshado dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 18, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo ku baaqay in la maalgeshado dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Ganacsatada dalka keeneysa waxyaabaha aan tayada lahayn, si muwaadiniinta ay u helaan maskax fiyow oo ay kaga fiir karaan aayahooda.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato sidii aan dalka loo keeni lahayn wax aan tayo lahayn, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay ka fekaraan sidii ay dalka u keeni lahaayeen wax tayaysan.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

“Shacabka waxa ay xaquuqdooda ku heli karaan inay bixiyaan canshuurta, haddii aad canshuurta bixisaan, waxaad helaysaa amni, cadaalad, waxbarasho iyo caafimaad, shacabka waxaan ka codsanayaa inay bixiyaan wixii qidmo ah ee loogu talagalay, lana raaco siyaasadda ay dowladda u jaangooysay” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan

Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa dhanka kale sheegay inay tixgelinayaan cabashada ku aadan warqadda ogolaanshiyaha ganacsiga, isagoo xusay in arritaas ay hortaallo golaha Wasiirada, isla markaana laga soo saari doono warqad cad oo qeexeysa qidmadda laga qaadanayo ruqsadda ganacsi.

“Wasaaradda Ganaciga waxa ay laf dhabar u tahay Wasaaradaha Kheyraadka oo dhan, maanta waxaa dadaal sameeyay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo xoolaha Soomaaliyeed u iibgeeyay dalka dibadiisa, meesha waxaa ka maqan kaalintii dowladda, waana buuxineynaa, waxaan ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay maalgeshi ku sameystaan dalkooda” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Previous Post

MUUQAAL-Ciidamo si gaar ah u taba-baran oo howlgallo ka sameynaya Waddooyinka Muqdisho.

Next Post

Ku-smaha Ra’iisul wasaaraha: “Halaga faa’iidesyto kheyraadka badeena ku jirta”

Next Post
Ku-smaha Ra’iisul wasaaraha: “Halaga faa’iidesyto kheyraadka badeena ku jirta”

Ku-smaha Ra’iisul wasaaraha: “Halaga faa’iidesyto kheyraadka badeena ku jirta”

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In