Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga oo ku baaqay in la maalgeshado dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga oo ku baaqay in la maalgeshado dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Ganacsatada dalka keeneysa waxyaabaha aan tayada lahayn, si muwaadiniinta ay u helaan maskax fiyow oo ay kaga fiir karaan aayahooda.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato sidii aan dalka loo keeni lahayn wax aan tayo lahayn, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay ka fekaraan sidii ay dalka u keeni lahaayeen wax tayaysan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

“Shacabka waxa ay xaquuqdooda ku heli karaan inay bixiyaan canshuurta, haddii aad canshuurta bixisaan, waxaad helaysaa amni, cadaalad, waxbarasho iyo caafimaad, shacabka waxaan ka codsanayaa inay bixiyaan wixii qidmo ah ee loogu talagalay, lana raaco siyaasadda ay dowladda u jaangooysay” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan

Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa dhanka kale sheegay inay tixgelinayaan cabashada ku aadan warqadda ogolaanshiyaha ganacsiga, isagoo xusay in arritaas ay hortaallo golaha Wasiirada, isla markaana laga soo saari doono warqad cad oo qeexeysa qidmadda laga qaadanayo ruqsadda ganacsi.

“Wasaaradda Ganaciga waxa ay laf dhabar u tahay Wasaaradaha Kheyraadka oo dhan, maanta waxaa dadaal sameeyay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo xoolaha Soomaaliyeed u iibgeeyay dalka dibadiisa, meesha waxaa ka maqan kaalintii dowladda, waana buuxineynaa, waxaan ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay maalgeshi ku sameystaan dalkooda” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Previous Post

MUUQAAL-Ciidamo si gaar ah u taba-baran oo howlgallo ka sameynaya Waddooyinka Muqdisho.

Next Post

Ku-smaha Ra’iisul wasaaraha: “Halaga faa’iidesyto kheyraadka badeena ku jirta”

Next Post
Ku-smaha Ra’iisul wasaaraha: “Halaga faa’iidesyto kheyraadka badeena ku jirta”

Ku-smaha Ra’iisul wasaaraha: “Halaga faa’iidesyto kheyraadka badeena ku jirta”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In