Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Wasiirka Caafimaadka “Dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin caafimaad dibadda ah ayaan u qaadeynaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaawo Maxamed Xasan oo maanta booqatay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qarixii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegtay in dhaawacyada gudaha dalka aan wax looga qaban karin loo qaadi doono caafimaad dibadda ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo xubnaha la socday ayaa ujeedka booqashadooda la xiriirtay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda caafimaad dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii Central Hotel ee degmada Xamarweyne, waxaana ay tegeen Isbitaallada Daaru-shifa, Recep Tayyip Erdoğan iyo Madiina oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkii shalay, iyadoo warbixinno ka dhageysatay mas’uuliyiinta isbitaalada ay booqatay.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay mid mid u gacan qaadeen bukaanada, iyagoo xog wareysi la yeeshay, si kuwa aan dalka wax looga qaban karin caafimaad dibada ah loogu qaado.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaamo Maxamed Xasan oo la hadashay booqashada kaddib Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeysay dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho, iyadoo kuwa dhaawac ahna Alle uga bariday in uu bogsiiyo.

“Maanta waxaan soo booqanay dhaawacyadii shalay oo la geeyay ilaa iyo saddex isbitaal, waxaan aragnay kuwa dhaawacyo fudud iyo kuwa kale oo daran oo u baahan in caafimaad dibadda ah in loo qaado, marka waxaan qorsheynaynaa in aan dibadda u qaadno ilaa iyo 10 qof oo xaaladooda aan halkan wax looga qaban karin, booqashadeenuna waan joogteyneynaa si aan u ogaano haddii ay jiraan kuwa kale oo u baahan caafimaad dibada ah”. ayay tiri Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Previous Post

Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In