Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya oo Gaaray Dalka Uganda”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 22, 2015
in Wararka
0
Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya oo Gaaray Dalka Uganda”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu jiro mas’uuliyiin ka socda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Qorsheynta, Macdanta iyo Batroolka ayaa gaaray dalka Uganda.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Xubno ka socday Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Related posts

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025

Ujeeddada imaantinka mas’uuliyiintan ayaa ah aqoon kororsi ay bixineyso hay’ad lagu magcaabo African Legal Support Facility (ALSF),waxana uu socon doonaa muddo Lix maalmood ah,iyadoo ay ku baranayaan sida loo maamulo hishiisyada Caalamiga ah iyo kuwa dowladdu ay la gasho Muwaadiinta Soomaaliyeed, Isku xirka mashaariicda ay wada fuliyaan dowladda iyo kuwa sida gaar ah loo leeyahay,kaabayaasha dhaqaalaha iyo Tamarta.

Wafdiga waxaa dalka Uganda ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta safaarada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay ku-simaha safiirka ahna Qunsulka safaarada Mudane Cabdiweli Cali Faarax iyo Xoghaya kuwaad Mudane Cali Khadar.

Tababarkan ayaa imanayaa xili mudooyinkii danbe ay aad u soo bateen Hay’adaha iyo Shakhsiyaadka daneynaya in ay maalgashadaan dalkeena hooyo, waxaana lagama maarnaam ah in la helo dad aqoon u leh maareynta mashaariicda iyo hishiisyada lala gelayo shirkadaha iyo cidii daneyneyso in ay maalgashadaan dalkeena Soomaaliya.
20150222_141849

20150222_141919

20150222_142029

20150222_142214

Sawirqaade:-Maxamed Yameni-Kampala-Uganada

Previous Post

Tottenham Hotspur oo Bareejo La Gashay Kooxda West Ham United ”SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Djibouti oo ka dhoofay Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Djibouti oo ka dhoofay Muqdisho

Madaxweynaha Djibouti oo ka dhoofay Muqdisho

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

Maamulka Gobolka Banaadir oo hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo lagu taageerayo  gurmadka abaaraha gobolka Awdal

Maamulka Gobolka Banaadir oo hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo lagu taageerayo gurmadka abaaraha gobolka Awdal

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In