Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ku baaqey in la joojiyo colaadda gobolka Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ku baaqey in la joojiyo colaadda gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Djibouti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah baaq nabadeed iyo in colaadda la joojiyo u jeediyey maamulka , odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan.

Labada madaxweyne ayaa baaqan jeediyey mar ay booqasho gaaban ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Related posts

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026

Qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowaanahan aafeeyey dagaalo u dhexeeya beelo iska soo horjeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inan la joogin xilli dhiig micno darro la daadiyo, wax kasta oo la isku haystana lagu xalin karo wadahadal .

“ Waa nasiibdarro in weli aad xal kama dambeys ah u heli weyseen colaaddan soo noqnoqotey. Waa markii afraad ee aan halkan idinkugu imaado anigoo wada fariin nabadeed. Haddana waxan mar kale idin leeyahay nabadda degdeg ha loo qaato. Ciidammada AMISOM ee halkan idin la jooga waxay idin ka saacidi karaan oo keliya inaad isku timaaddaan oo aad wadahadashaan, balse go’aanka kama dambeysta ah idinka ayaa iska leh oo baajin kara dhiig mar kale si micno darro ah ku daata”.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho laba maalmood qaadatey ku jooga Soomaaliya, ayaa isna baaq nabadeed oo kaa la mid ah halkaasi ka jeediyey, isagoo xusey sida uu uga xun yahay dhiigga dadka walaalaha ah ee weli ku daadanaya gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamey goob fac weyn oo taariikh muhiim ah ku leh Soomaaliya.

“Markii aan qaatey go’aanka aan ciidanka ugu soo dirayo Soomaaliya, gaar ahaan degaannadan waxaa ujeeddadu ay ahayd inay gacan idin ka siiyaan si aad dhibaatada uga baxdaan nabaddana loo sugo. Laakiin waxaa wax laga xumaado ah in dadka degaanka ay dhexdooda isku jeestaan oo dhiig daadiyaan. Joojiya dagaalka, anigoo filayaa inaad qaadan doontaan taladeyda. Waxan doonayaa in marka aan ku laabto Djibouti aan shacabkeyga ku soo wargeliyo inaad nabad qaadateen. Gacan ayaan sidoo kale ka geysan doonaa baahiyada kala duwan ee ka jira gobolka haddii aad nabadda qaadataan’’, ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale la hadley ciidammada Djibouti ee ka tirsan AMISOM ee jooga Beledweyne, waxayna ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan gobolka Hiiraan iyo degaannada ku xeeran.
Wafdiga labada madaxweyne ayaa safarkaasi kadib ku soo laabtey magaalada Muqdisho.

Previous Post

Daawo sawirada Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo booqday Beledweyne

Next Post

Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

Next Post
Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

July 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa saraakiil ka socotay Dowlad Deegaanka Soomaalida ku wareejiyay laba nin oo ku...

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

42 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay duqeymo ka dhacay deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10...

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In