Tuesday, June 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madax ka tirsan hey’adda FAO (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 24, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madax ka tirsan hey’adda FAO (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-2-2015 aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kula kulmay Agaasimaha Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mr. Richard Trenchard iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey.

Ka qeyb galka kullanka ee dhanka Puntland waxaa madaxweynaha ku wehliyey Wasiir Dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

June 3, 2025

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee kullankaasina looga hadlay waxaa kamid ahaa dardar-gelinta Mashaariicda horumarineed ee hay’adda FAO ay ka fuliso guud ahaan Gobolada Puntland, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya dawladda Puntland iyo hay’adda FAO, Talaalka Xoolaha , Horumarinta Beeraha Puntland, Kalluumaysiga iyo ka qeyb qaadashada doorka kaga aadan Hay’adda FAO ee horumarinta deegaanada ku yaala xeebaha Puntland.

Si wadajir ah ayaa waxaa kullanka dib u eegis loogu sameeyey qorshihii hay’adda FAO sanadkii tagey 2014 ee Puntland, sidookalana waxa ay masuuliyiinta hay’addaas Madaxweynaha u soo bandhigeen qorshahooda horumarineed ee sanadkaan 2015 ka fulinayaan guud ahaan Gobolada Puntland.

Madaxda Hay’adda FAO ayaa si wadajir ah u balanqaaday sii wadida taageerada ay Puntland ka siiyaan dhanka horumarinta xoolaha oo ugu wayn ilaha dhaqaalaha, sidookalana waxay sheegen inay qeyb weyn ka qaadanayaan kobcinta wacyigelinta kaluumeysiga iyo ilaalinta deegaanka.

Agaasimaha Hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr. Richard Trenchard iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay kulamo la qaadaan doonaan madaxda Wasaaradaha Puntland sida Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland, Wasaarada Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland iyo Wasaarasada Xanaanada Xoolaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa islamaanta gelinkii dambe qasriga madaxwtooyada Puntland waxaa uu kula kulmay masuuliyiin ka socday hay’adda Diakonia, kuwaasi oo ay kawada hadleen mashaariicda ay ka fuliyaan Puntland gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada iyo hirgelinta hanaanka dimuqraadiyada Puntland.
Dhammaan kullamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaatay masuuliyiinta ka socday Hay’adda FAO iyo Hay’adda Diakonia ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

IMG_4837

IMG_4821

IMG_4826

IMG_4837

IMG_4908 (1)

IMG_4908

Previous Post

Marwada madaxweynaha oo booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Central (Sawirro)

Next Post

Barcelona oo Ka Badisay Manchester City iyo Juventus oo Ka Adkaatay Dortmund ”SAWIRRO”

Next Post
Barcelona oo Ka Badisay Manchester City iyo Juventus oo Ka Adkaatay Dortmund ”SAWIRRO”

Barcelona oo Ka Badisay Manchester City iyo Juventus oo Ka Adkaatay Dortmund ”SAWIRRO”

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

June 3, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha ay jeedin doonaan maalmaha...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

June 3, 2025
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In