Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo xoojinta amniga oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayay amniga iyo sidii loo xoojin lahaa oo uu shir guddoominayay Wasiirka amniga gudaha ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankani oo ay ka qeyb galeen Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo Qaranka, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa diiradda lagu saaray adkenyta Nabadgelyada caasimadda iyo in laga hortago cidkasta oo abuureysa amni darro.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray amniga, isla markaana uu Wasiirka ugu baaqay shacabka in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan kooxda Shabaab.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay in bulshada looga fadhiyo inay iska koontaroolaan gaadiidkooda kahor inta aysan wadanin, taasi oo uu ku sheegay in looga hortagayo qaraxyada gawaarida lagu xirayo ee ay Shabaabku ku dhibaateynayaan bulshada.

Sidoo kale shirka aya inta uu socday waxaa lagu cambaareeyay falkii lagu dhaawacay Enjineero Soomaaliyeed oo gaaari ay wateen waxbaaha qarxa loogu xiray, kuwaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray, isagoo u rajeeyay in Alle uu bogsiiyo.

Previous Post

Madaxweyne Obama oo safiir u soo magacaabay Soomaaliya

Next Post

Saaxiibada Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan odayaasha Goboladda Dhexe

Next Post
Heshiis xabadda joojin ah oo laga gaaray dagaalkii Guriceel

Saaxiibada Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan odayaasha Goboladda Dhexe

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

January 22, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowladda Jubbaland ayaa si buuxda u soo afjaray maleeshiyaad ka tirsan...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In