Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibaddan uu xilka kula wareegayey wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxaa ka soo qeyb-galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali, wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, wasiiru dolwaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Xafiisyada Hanti dhowka Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha, Xildhibaanno, agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

Munaasibadda ayaa lagu soo bandhigay qeyb ka mid ah waxqabadka wasaaradda Warfaafinta ee sanadkii la soo dhaafay oo uu Akhriyey Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, isagoo tilmaamay inay jiraan waxyaabo kale oo u baahan in la dar dargeliyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), ayaa munaasibadda xil wareejinta ah ka sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isla markaana ay Qaranka Soomaaliyeed ay qiima weyn ugu fadhiyaan, dowladduna looga baahan yahay in ay siiso ahmiyad gaar ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble wakiilna ka ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Mustafa Dhuxulow, ayaa yiri “Mudane Ra’iisul wasaaraha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta waxa ay ku xaquuq yihiin shaqaalaha caadiga ah ee dowladda, iyaga oo shaqeeya muddo 24, saacadood oo xiriir ah, waxaanse ku dadaali doonaa in arrintaasi la xaliyo”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, ayaana xilka guud ee wasaaradda si rasmi ah ugu wareejiyey wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir, iyadoo uu joob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana madasha lagu kala saxiixdey Dokumentiyada xil-wareejinta.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa mar kii uu xilka la wareegay kaddib khubad jeeyey, isla markaana sameeyey ballan-qaadyo ku aaddan in uu si dardargelin doono howlaha qorshe ee wasaaradda u degsan sanadka 2015-ka, isla markaana la tayen doono dhammaan qeybaha Wasaaradda ay ka kooban tahay.

Ugu dambeyntii Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo munaasibadda uu xilka kula wareegay wasiirka Warfaafinta khubad dhinacyo badan ka jeediyey, ayaa ammaan iyo boggaadin u soo jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo wax badan uga duwan Shaqaalaha kale ee dowladda, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa ballan qaaday in ahmiyad weyn ka siin doono wasaaradda si loo soo saaro door ka ay ku leedahay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya u degan.

Wasiirka Warfaafinta, Wasiir-dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu soo wareejiyay waaxyaha ay Wasaaradda ay ka koobantahay, iyagoo Warbixino ka dhageystay Mas’uuliyiinta Waaxda Warbaahinta Qaranka.

Wasaaradda Warfaafinta oo hadda qabatada howlaha wargelinta iyo Wacyigelinta ee bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda, ayaa sanadka soo socda qorsheyneysa in ay ballaariso qorshaheeda dhanka warfaafinta iyo hirgalinta mashaariicda lagu soo nooleynayo Waaxyaha hadda u baahan dib u howlgelinta.

DSC06783

DSC06793

DSC06794

DSC06796

DSC06804

DSC06809

DSC06814

DSC06815

DSC06818

DSC06821

DSC06822

DSC06825

DSC06828

DSC06831

DSC06834

DSC06837

DSC06838

DSC06839

DSC06840

DSC06844

DSC06848

DSC06852

DSC06856

DSC06864

DSC06872

DSC06873

DSC06878

DSC06890

DSC06892

DSC06912

DSC06915

DSC06923

DSC06926

DSC06929

DSC06930

DSC06932

DSC06950

DSC06953

DSC06954
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Madaxa tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Madaxa tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Madaxa tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In