Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya

February 25, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, February 25, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Robleh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya .

Kulankani ayaa waxaa looga hadlay danaha wadaagga ah ee labada dowladood si gaar ah howlgalka ciidanka Djibouti “ Hiil Walaal” ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMSIOM), tababarida ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed .

Related posts

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022

“Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxa ay kaga mahad-celineysaa ciidamada Djibouti ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan , kaalinta muuqata ee ay ka qaateen nabadda iyo deganaanshaha , iyagoo ku howlgalaya magaca AMISOM , waxa ay si la mid ah ugu mahad-celineysaa ciidamada kala jinsiyadaha duwan ee ka qeyb ah howlgalkaasi” ayuu yiri Wasiirka.

Kulankani oo ku dhammaaday jawi is afgarad leh ayaa waxaa goob ka ahaa diblomaasiyiin ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safaaradda Djibouti ee caasimadda Muqdisho.

Previous Post

Saaxiibada Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalka ay wadaan odayaasha Goboladda Dhexe

Next Post

Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Ra'iisul wasaaraha oo ka qeyb galay xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta "SAWIRRO"

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
0

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda...

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In