Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Af Soomaaliga ee Muqdisho ka socday oo Maanta la soo xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan looga hadlayay Dib u habeynta iso kor u qaadista Afka Soomaaliga Ee Maalmahaan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka  qayb galay Xiritaankiisa Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka Wasaarada Warfaafinta hidaha iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Islaamka Dhaqanka iyo Awqaafta Janhuuriyada Jabuuti Iyadoo lagu soo bandhigay Madasha War Murtiyeed Dhowr iyo Toban Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkaas.

Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska Somalia Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay Xiritaanka Shirka ayaa waxaa uu Mahad Naq balaaran u jeediyay Aqoon yahanada ka kala yimid Goobo Fog fog ee ka qayb galay Shirkaan Caalamiga ah waxaana uu sheegay in Geesiyada u soo halgamay Afka Hooyo ay Taariikhdu Xusi Doonto.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Wasaarada Islaamka Dhaqanka iyo awqafta Dowladda Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan  oo ka hadlay Gaba gabada Shirkaas ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Federaalka ah ay iska kaashan doonaan Dhismaha Xarunta Akadamiyad Goboleedka Dhawaan Muqdisho ay ka fureen Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti  Waxaana uu kula Dar daarmay Dhalinta ku Hadasha Afka Soomaaliga in ay Kor u qaadaan.

21 kii Bishaan Feberaayo ayuu Magaalada Muqdisho ka Furmay Shirkaan Todobaadka Afka Soomaaliga iyadoo Furitaankiisa ay ka qyab galeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane xasan Sheikh Maxamuud iyo Dhigiisa Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaana ka qayb galay Ergooyin ka kala yimid Maamul Goboleedyada Dalka ka jira iyo Dowladaha Jabuuti Kenya iyo Ethiopia Sidoo kale Aqon yahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gudaha Dalka iyo Dibadiisa waxaana ay si wada jir ah u Bogaadiyeen Ergadu Hirgalinta Akadamiyad Goboleedka Dhaqanka .

Previous Post

Dhalinyaro burcad badeednimo ugu xiran Cuman oo codsaday in dalkooda loo soo dhoofiyo

Next Post

Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Next Post
Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In