Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Af Soomaaliga ee Muqdisho ka socday oo Maanta la soo xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan looga hadlayay Dib u habeynta iso kor u qaadista Afka Soomaaliga Ee Maalmahaan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka  qayb galay Xiritaankiisa Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka Wasaarada Warfaafinta hidaha iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Islaamka Dhaqanka iyo Awqaafta Janhuuriyada Jabuuti Iyadoo lagu soo bandhigay Madasha War Murtiyeed Dhowr iyo Toban Qodob ka kooban oo laga soo saaray Shirkaas.

Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo Dalxiiska Somalia Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay Xiritaanka Shirka ayaa waxaa uu Mahad Naq balaaran u jeediyay Aqoon yahanada ka kala yimid Goobo Fog fog ee ka qayb galay Shirkaan Caalamiga ah waxaana uu sheegay in Geesiyada u soo halgamay Afka Hooyo ay Taariikhdu Xusi Doonto.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

Wasiirka Wasaarada Islaamka Dhaqanka iyo awqafta Dowladda Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan  oo ka hadlay Gaba gabada Shirkaas ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Federaalka ah ay iska kaashan doonaan Dhismaha Xarunta Akadamiyad Goboleedka Dhawaan Muqdisho ay ka fureen Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti  Waxaana uu kula Dar daarmay Dhalinta ku Hadasha Afka Soomaaliga in ay Kor u qaadaan.

21 kii Bishaan Feberaayo ayuu Magaalada Muqdisho ka Furmay Shirkaan Todobaadka Afka Soomaaliga iyadoo Furitaankiisa ay ka qyab galeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah Ee Somalia Mudane xasan Sheikh Maxamuud iyo Dhigiisa Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaana ka qayb galay Ergooyin ka kala yimid Maamul Goboleedyada Dalka ka jira iyo Dowladaha Jabuuti Kenya iyo Ethiopia Sidoo kale Aqon yahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gudaha Dalka iyo Dibadiisa waxaana ay si wada jir ah u Bogaadiyeen Ergadu Hirgalinta Akadamiyad Goboleedka Dhaqanka .

Previous Post

Dhalinyaro burcad badeednimo ugu xiran Cuman oo codsaday in dalkooda loo soo dhoofiyo

Next Post

Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Next Post
Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Madaxweynaha oo casho sharaf u sameeyay xubnaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In