Siminaarkan oo socday mudo saddax Maalin ah ayaa waxaa Lagu baranayay casharo muhim ah oo ay bixinayeen aqoonyahano soomaali ah oo ka socday hey’ada BUDSEA oo ay madax ka yihiin aqoonyahano soomaali ah oo ku nool dalka koonfur afrika.
In ka badan 80 ruux ayaa siminaarkan soo xaadirayay mudadii saddaxda maalin aheyd ee uu socday,waxaana ay kala matalayeen ku dhawaad 40 urur oo ka shaqeeya arrimaha bulshada dadka koonfur afrikaanka ah ee ku nool deegaanka Khaliija ee duleedka magaalada Cape Town.
Casharada lagu baranayay waxaa ka mid ahaa qaabka urura-da yar yar ay dowlada uga raadsan karaan deeqaha iyo maal gashiga,qaabka loo gudbisto codsiyada la xariira deeqaha iyo qaabka loo sameeyo xisaab celinta hantida,waxaaana warbaahinta u sharaxay Maxamed Raage oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo bixinayay casharadaasi.
Siminaarkan oo qabashadiisa ay iska kaashadeen hey’ada Botto-up Sustainable Development Approach “Busdea” Iyo Wasaarada horumarinta adeega bulshada ayaa gaba-gabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madax ka socotay labada Hey’adahasi,waxaana ka qeyb galayaasha ay halkaasi ku gudoon siiyeen shahaadooyin.
Mahad Cumar Cabdi “Mahad Libaax” oo madax ka ah hey’adda Busdea ayaa sheegay in siminaarkan uu wax weyn ka badali doono sawirka guud ee laga aaminsanyahay Soomaalida ku nool dalka koonfur afrika.
Waxaa uu Intaasi ku daray in Soomaalida ay yihiin dad karti leh oo ka dhax muuqan kara bulshooyinka kale,islamarkaana barnaamij-yada noocaan ah ay wax weyn ka badali doonaa fakarka laga aaminsanyahay soomaalida iyo dhibaatooyinka mararka qaar kasoo gaara dadka Koonfur afrikaanka ah oo ay la nool yihiin.
Madaxa diinta ee xisbiga haya talada koonfur afrika ee ANC ee gobolka Western Cape ayaa Soomaalida ku aamanay in ay yihiin dad aad u wanaagsan oo qalbi furan wax badan laga faa’ideysan karo,waxaana uu ugu baaqay dadka Koonfur afrikaanka ah in cashar uu ugu filan yahay qaabka ay ganacsiga ugu guuleysteen,iyadoo aysan jirin cid garab ku siisay.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay siminaarkan oo iyagana goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin fursadaan ay u helaan in ay wax uga faa’ideystaan aqoonyahano soomaali ah,waxaana wajiyadooda laga dareemay in ay aad ula dhaceen casharada Hey’ada Busdea ay halkaasi ku bixisay,iyagoo balan qaaday in ay u sii gudbin doonaan dadkii ay matalayeen,waxaana ay qaarkood ay ka dhawaajiyeen in mudo 20 sano ah oo ay ka shaqeynayeen arrimaha bulshada aysan arag siminaaro ka faa’ido badan kan ay Hey’ada Busdea siisay.