Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoonyahano Soomaali ah Oo Tababar U soo Xeray Ururo Koonfur Afrikaan ah “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Aqoonyahano Soomaali ah Oo Tababar U soo Xeray Ururo Koonfur Afrikaan ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkan oo socday mudo saddax Maalin ah ayaa waxaa Lagu baranayay casharo muhim ah oo ay bixinayeen aqoonyahano soomaali ah oo ka socday hey’ada BUDSEA oo ay madax ka yihiin aqoonyahano soomaali ah oo ku nool dalka koonfur afrika.

In ka badan 80 ruux ayaa siminaarkan soo xaadirayay mudadii saddaxda maalin aheyd ee uu socday,waxaana ay kala matalayeen ku dhawaad 40 urur oo ka shaqeeya arrimaha bulshada dadka koonfur afrikaanka ah ee ku nool deegaanka Khaliija ee duleedka magaalada Cape Town.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

Casharada lagu baranayay waxaa ka mid ahaa qaabka urura-da yar yar ay dowlada uga raadsan karaan deeqaha iyo maal gashiga,qaabka loo gudbisto codsiyada la xariira deeqaha iyo qaabka loo sameeyo xisaab celinta hantida,waxaaana warbaahinta u sharaxay Maxamed Raage oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo bixinayay casharadaasi.

Siminaarkan oo qabashadiisa ay iska kaashadeen hey’ada Botto-up Sustainable Development Approach “Busdea” Iyo Wasaarada horumarinta adeega bulshada ayaa gaba-gabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madax ka socotay labada Hey’adahasi,waxaana ka qeyb galayaasha ay halkaasi ku gudoon siiyeen shahaadooyin.

Mahad Cumar Cabdi “Mahad Libaax” oo madax ka ah hey’adda Busdea ayaa sheegay in siminaarkan uu wax weyn ka badali doono sawirka guud ee laga aaminsanyahay Soomaalida ku nool dalka koonfur afrika.

Waxaa uu Intaasi ku daray in Soomaalida ay yihiin dad karti leh oo ka dhax muuqan kara bulshooyinka kale,islamarkaana barnaamij-yada noocaan ah ay wax weyn ka badali doonaa fakarka laga aaminsanyahay soomaalida iyo dhibaatooyinka mararka qaar kasoo gaara dadka Koonfur afrikaanka ah oo ay la nool yihiin.

Madaxa diinta ee xisbiga haya talada koonfur afrika ee ANC ee gobolka Western Cape ayaa Soomaalida ku aamanay in ay yihiin dad aad u wanaagsan oo qalbi furan wax badan laga faa’ideysan karo,waxaana uu ugu baaqay dadka Koonfur afrikaanka ah in cashar uu ugu filan yahay qaabka ay ganacsiga ugu guuleysteen,iyadoo aysan jirin cid garab ku siisay.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay siminaarkan oo iyagana goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin fursadaan ay u helaan in ay wax uga faa’ideystaan aqoonyahano soomaali ah,waxaana wajiyadooda laga dareemay in ay aad ula dhaceen casharada Hey’ada Busdea ay halkaasi ku bixisay,iyagoo balan qaaday in ay u sii gudbin doonaan dadkii ay matalayeen,waxaana ay qaarkood ay ka dhawaajiyeen in mudo 20 sano ah oo ay ka shaqeynayeen arrimaha bulshada aysan arag siminaaro ka faa’ido badan kan ay Hey’ada Busdea siisay.
IMG_5565

IMG_5588

IMG_5623

IMG_5638

IMG_5654
Sawir qaade:-C/lahi Qorshe

Previous Post

Carruur uu soo ritay cudurka Jadeecada oo la gaarsiiyay Isbitaalka Beledweyne

Next Post

Isku Aadka Wareega 16-ka ee Koobka Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post
Isku Aadka Wareega 16-ka ee Koobka Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Isku Aadka Wareega 16-ka ee Koobka Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In