Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka oo dib u shaqeynaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 28, 2015
in Wararka
0
Xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka oo dib u shaqeynaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa loo oggolaaday inay diraan lacagaha biilasha ah, kaddib sagaal maalin oo ay xayirnaayeen.

Bangiyada Mareykanka ayaa hakiyay adeeggii ay siin jireen xawaaladaha Soomaalida, tallaabadaas ayaa ka dambeysay walwal laga qabo in lacaguhu ay gacanta u galaan kooxaha xagjira ee Al-Shabaab.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025

Cabdcasiis Sugulle oo ka tirsan midowga xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in bangiyadu ay oggolaadeen in lacagaha yaryar ee  biilasha ah la diro, kuwaas oo ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed.

“Kuliggood (Xawaaladaha) waxay ku shaqeynayaan wax kooban, lacagihii sidii hore looma dirayo laakin waxaa la dirayaa lacagaha yaryar ee biilka ah” ayuu BBC u sheegay Cabdicasiis Sugulle.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ka shaqeyso hannaan la aamini karo oo caddeynaya qaabka ay lacagahaani ku soo gaarayaan muwaadiniinta ku sugan gudaha, ayadoo laga qeyb qaadanayo caddeynta dadka ay yihiin kuwa ka faa’iideysanaya adeeggan.

Tallaabada ay bangiyada Mareykanku ku hakiyeen adeegyadii ay siin jireen xawaaladaha Somaalida ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsan tahay kaalmo ay ka heleen qurbo joogta ehelladooda ah eek u nool dalka dibaddiisa.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.02.2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.02.2015

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay

May 11, 2025
0

Xafladda Somali Night Awards oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Danjiraha...

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo la guddoonsiiyay Hadimo sharafeed

May 11, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In