Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo Maanta lagu soo Dhaweeyay Magaalada Qardho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo Maanta lagu soo Dhaweeyay Magaalada Qardho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar.

Mamulka Gobalka Karkaar, kan degmada Qardho iyo dadweyne kale ayaa duleedka magalada kaga hortagay Qaaddiid iyo wafdiga uu hoggaaminaya, halkaasoo uu markii danbe kulan kula qaaday haweenka Gobolka iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Ugu horeyntii duqa magaalada Qardho Maxamed Siciid Hoggaama-laroor ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha Cawaale ee magaalada, ayna sidoo kale soo dhaweynayaan Olalaha la-dagalanka Qaadka oo uu soo gaarsiiyay Gobolka Karkaar.

Qaar ka mid ah haweenkii iyo Odayaashii kulanka soo dhaweynta ah kasoo qeyb galay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin wacyi galinta la-dagalanka Qaadka, waxeyna sidoo kale sheegeen inay muhiim tahay sidii jiilasha soo socda looga cirib tiri lahaa qaadka lagu soo daabulayo maalin kasta goboladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb galay soo dhawayntiisa, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay mamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Qardho oo qeyb weyn ka qaatay soo dhaweyntiisa.

Cawaale wuxuu sheegay inuu wado wacyi galin ka hor tageysa dhibaatooyinka Qaadka, wuxuuna Hooyooyinkii kulanka joogay ku tilmaamay inay yihiin laf-dhabarka Qoyska loona baahan yahay inay wacyi galinta kaalin muuqata ka qaataan.

Arrimaha uu Qaaddiid sheegay inay muhiim tahay in hada la qabto ayuu ku sheegay inay tahay in goobaha Qaadka lagu gado laga saaro magaalada oo loo sameeyo goob caan ah, si dadka magaalada ku nool ay uga nabad gallaan dhibaatooyinka Qaadka.

Kulan weyn ayaa caawa lagu qabanayaa Jaamacadda Bariga Africa Qardho, halkaasoo lagu soo bandhigayo khudbado la xariira Qaadka iyo saameynta uu dadka iyo dalka ku yeeshay.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

Previous Post

Arsenal oo Xajisatay Kaalinta Sedaxaad ee Horyaalka Ingiriiska “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Muungaab oo Nalal casri ah kuna shaqeeya cad cadeedda ka hirgeliyay Kaaraan “DAAWO+SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Muungaab oo Nalal casri ah kuna shaqeeya cad cadeedda ka hirgeliyay Kaaraan “DAAWO+SAWIRRO”

Guddoomiye Muungaab oo Nalal casri ah kuna shaqeeya cad cadeedda ka hirgeliyay Kaaraan “DAAWO+SAWIRRO”

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In