Monday, November 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibaatada Qaadka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhibaatada Qaadka oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Bariga Africa qaybta magalada Qardho ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka kala duwan uu Qaadka gaysto, waxana kasoo qayb galay mamulka magalada, Culimo, Odayaal dhaqan, haween, Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka iyo ardayda Jaamacadda.

Bilowgii kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Qardho Sheekh Cali Maxamed Cali Hure, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay markii ugu horaysay Jaamacadda lagu qabto kulan looga hadlayo dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo dadka Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in laga hortago, wuxuna Sheekh Hure sheegay inay garab taagan yihiin Olalaha la-dagalanka Qaadka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025

Col.Yaasiin Cumar Dheere oo ka mid ah Odayaasha magalada Qardho ayaa soo jeediyay in dhalinyaradda ku nool magaalada Karkaar ay fariinta la-dagalanka Qaadka qaataan, isla markasna ka wacyi geliyaan dadka cuna iyo kuwa ka ganacsada, wuxuna muujiyay inuu saamayn ku yeeshay caafimaadka dadka iyo dhaqaalahooda.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hoggaama-laroor ayaa tilmaamay in Qaadka uu leeyahay dhibaatooyin kala duwan, bulshadana looga baahanyahay inay iska daayaan.

Hooyo ka mid ah kuwa qaadka ku gada magalada Qardho oo la yiraahdo Fartuun ayaa sheegtay inay faraha kala baxday Iibinta Qaadka, ayna soo gadaysay mudo 19-sano ah, waxayna Fartuun ugu baaqday Haweenka kale ee Qaadka gada inay isaga soo baxaan oo ay ku badashaan iibinta waxyaabaha kale ee khayrku ku jiro.

Ugu danbayntii Gudoomiya la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale “Qaad-diid” ayaa sheegay wacyi galinta la-dagalanka Qaadka inuu gaarsiinayo gobalada Maamulka Puntland, ayna muhiim tahay shacabka Qardho inay ka qayb qaataan wacyi galintan oo ay la-dagaalamaan in gudaha magalada lagu dhex gado qaadka.

Cawaale wuxuu xusay mamulka iyo Ardayda Jaamacadaha inay xuseen maalinta loo qorsheeyay inay noqoto maalinta la-dagalanka Qaadka, taasoo ku beegneyd 25-ka bisha Febraayo, isagoo sheegay in sanadkasa maalintaasi oo kale la soo bandhigi doono dhibaatooyinka qaadka iyo horumarka laga sameeyay in laga hortago.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

Previous Post

Real Madrid oo Bareejo La Gashay Kooxda Villarreal “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka oo qorsheynaya inay weeraro ku qaadaan Shabaab

Next Post
Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo taageero siinaya Maamulka Koonfur Galbeed

Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka oo qorsheynaya inay weeraro ku qaadaan Shabaab

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradda Xagjirka

November 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu oo noqdo  Ergeyga...

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

Wasiirka Qorshaynta XFS Oo Maanta Hortagay Guddiga Arrimaha Dibada Iyo Qorshaynta Aqalka Sare

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, ayaa...

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Ka Tacsiyadaysay Geerida Marxuum Wariye Cabdiraxman Yacquub

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala,...

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Guddoomiye Golaha Shacabka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

November 23, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In