Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhibaatada Qaadka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhibaatada Qaadka oo laga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Bariga Africa qaybta magalada Qardho ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka kala duwan uu Qaadka gaysto, waxana kasoo qayb galay mamulka magalada, Culimo, Odayaal dhaqan, haween, Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka iyo ardayda Jaamacadda.

Bilowgii kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Qardho Sheekh Cali Maxamed Cali Hure, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay markii ugu horaysay Jaamacadda lagu qabto kulan looga hadlayo dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo dadka Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in laga hortago, wuxuna Sheekh Hure sheegay inay garab taagan yihiin Olalaha la-dagalanka Qaadka.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Col.Yaasiin Cumar Dheere oo ka mid ah Odayaasha magalada Qardho ayaa soo jeediyay in dhalinyaradda ku nool magaalada Karkaar ay fariinta la-dagalanka Qaadka qaataan, isla markasna ka wacyi geliyaan dadka cuna iyo kuwa ka ganacsada, wuxuna muujiyay inuu saamayn ku yeeshay caafimaadka dadka iyo dhaqaalahooda.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hoggaama-laroor ayaa tilmaamay in Qaadka uu leeyahay dhibaatooyin kala duwan, bulshadana looga baahanyahay inay iska daayaan.

Hooyo ka mid ah kuwa qaadka ku gada magalada Qardho oo la yiraahdo Fartuun ayaa sheegtay inay faraha kala baxday Iibinta Qaadka, ayna soo gadaysay mudo 19-sano ah, waxayna Fartuun ugu baaqday Haweenka kale ee Qaadka gada inay isaga soo baxaan oo ay ku badashaan iibinta waxyaabaha kale ee khayrku ku jiro.

Ugu danbayntii Gudoomiya la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale “Qaad-diid” ayaa sheegay wacyi galinta la-dagalanka Qaadka inuu gaarsiinayo gobalada Maamulka Puntland, ayna muhiim tahay shacabka Qardho inay ka qayb qaataan wacyi galintan oo ay la-dagaalamaan in gudaha magalada lagu dhex gado qaadka.

Cawaale wuxuu xusay mamulka iyo Ardayda Jaamacadaha inay xuseen maalinta loo qorsheeyay inay noqoto maalinta la-dagalanka Qaadka, taasoo ku beegneyd 25-ka bisha Febraayo, isagoo sheegay in sanadkasa maalintaasi oo kale la soo bandhigi doono dhibaatooyinka qaadka iyo horumarka laga sameeyay in laga hortago.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

Previous Post

Real Madrid oo Bareejo La Gashay Kooxda Villarreal “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka oo qorsheynaya inay weeraro ku qaadaan Shabaab

Next Post
Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo taageero siinaya Maamulka Koonfur Galbeed

Maamulka Koonfurgalbeed ee dalka oo qorsheynaya inay weeraro ku qaadaan Shabaab

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In