Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka qeybgalay shirka Hiigsiga cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee uu shir guddoominaye, mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlayey dardargelinta qorsha barnaamijka New Deal ama Hiigsiga cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen wadamada deeq-bixiyeyaasha ee barnaamijkaasi taageero iyo guddiga Xukuumadda ugu xilsaaran howshaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda Qorsheynta, kuwaas oo ka kooban todoba wasaaradood.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte, ayaa warbaabinta Qaranka la hadlay shirkaasi markii uu dhammaaday kaddib, waxa uu sheegay in u jeedada kulankaan uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa hannaanka qorshaha New Deal-ka ama hiigsiga cusub, waxa uu intaa raaciyey in si qota dheer looga dooday sida lo amba qaadi karo qorshan, iyadoo deeq bixiyeyaasha loo gudbiyey doorka hoggaamineed ee dowladda.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Wasirika Qorsheynta iy Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ceynte, ayaa tilmaamay in shirkan lagu go’aamiyey qabsoomidda madasha lagu saxiixayo mashaariicda New Deal-ka kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho 23-ka bishan, wasaaradda Qorsheyntana ay xiriirin doonto qorshaha guddiga u xilsaaran Hiigsiga cusub ee uu Ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya hoggaaminayo.

Dardargelinta barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee labada sano ee soo socota waa hanaanka Soomaaliya looga hirgelinayo mashaariicyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo tayeenta hey’adaha heer Federaal iyo dowlad gobolleed si loo gaaro doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2016-ka, kuwaas oo ay Xukuumaddan dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horumariyo howlahooda.

Previous Post

Madaxweynaha Puntaland oo maanta gaaray Kismaayo”SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Next Post
Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In