Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo dhameystiray Golahiisa Wasiirada “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhameystiray magacaabista golihiisa Wasiirada, si loo dar dargeliyo howlaha horyaalla.

Mudane Shariif Xasan ayaa magacaabay 40 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiiru-dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeenno, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta ee maamulka, Mudane Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta u akhriyay wareegtada lagu dhameystirayay golaha Wasiirada Maamulka Koonfurgalbeed.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026

Wasiirrada la magacaabay ayaa waxaa kamid ah Madoobe Nuunnoow Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka xannaanada xoolaha, waxaana uu balan qaaday in uu gudanayo xilka loo igmaday.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u mahad celiyay xubnaha cusub ee golihiisa Wasiirrada, wuxuuna ka codsaday inay u adeegaan bulshadooda oo ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaannada uu maamulka ka arrimiyo.

Wasiirrada cusub ayaa 64 xubnood ka dhigaya tirada guud ee golaha wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed, Soomaaliya.

Dhageysta Warbixinta uu Baydhabo ka soo diray Wariyaheena Siraaji

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/03/warka-siraaji-xaaji-baydhabomp3.mp3
Previous Post

Dar dargelinta Hiigsiga cusub oo laga hadlay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026
0

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa...

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

February 9, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

February 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In