Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Shabaab oo u kala jabay laba garab, kadib khilaaf ba’an oo hareeyay kooxda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 6, 2015
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Shabaab oo u kala jabay laba garab, kadib khilaaf ba’an oo hareeyay kooxda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu hareeyay khilaaf ba’an oo sababay iney kooxdu laba garab u kala jabaan.

Warar isa soo taraya oo an ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa muujinaya in kooxda uu dhex maray khilaafkii ugu adkaa ee soo mara abid, kaasoo sababay iney kooxdu laba garab oo aad u hubeysan ay u kala jabaan.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Labada dhinac ee kooxdu u kala jabtay ayaa waxaa kala hoggaaminaya Axmed Diiriye oo ah horjoogaha kooxda, kaasoo isagu aaminsan in kooxdu ku biirto ururka Daacish,  iyo  dhinaca kale oo ay hoggaaminayaan horjoogayaal lagu kala magacaabo Mahad Karatay iyo Cumar Mataan oo iyagu diddan in kooxdu ku biirto Daacish.

Horjoogayaasha kooxda ayaa isku khilaafay in kooxda lagu biiriyo Daacish iyo kale, Khilafkan oo soo jiitamayay in muddo ah,  ayaa hadda isu bedelay gacan ka hadal, waxaana laba habeen ka hor labada dhinac uu dagaal ku dhex maray tuulada Tooratooroow ee gobolka Sh/Hoose.

Magaalada Jilibna maleeshiyaadka Labada dhinac ayaa la sheegay iney xalay dhufeys isu galeen, ayna qarka u saaranyihiin ineey dagaalamaan, waxaana warku intaasi ku darayaa iney labada dhinac kala fadhiyaan laba xaafadood,  isla markaana aysan isu gudbi Karin, taasina waxey qal qal ku abuurtay dadka rayidka ah ee deggan magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in horjoogaha ugu sarreeya kooxda ee lagu magacaabo Axmed Diiriye uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku qalqaalinayay horjoogayaasha kale iney la qaataan fikirkaasi ,hase ahaatee labada horjooge oo iyagu aad ugu firfircoon maleeshiyaadka ayaa ka horyimid. Fikirkaasi.

Horjoogaha kooxda Axmed Diiriye ayaa markii uu ku hungoobay inuu horjoogayaasha kale ka dhaadhiciyo fikirkiisa, waxaa uu la xiriiray horjoogaha gooni u daaqa noqday ee lagu magacaabo Muqtaar Rooboow, isagoo ugu yeeray in uu dhex dhexaadiyo labada dhinac hase yeeshee horjooge Rooboow waa uu ku gacan seyray dalabka Axmed Diiriye.

Khilaafka u dhaxeeya kooxda ayaa la filayaa in uu circa isku sii shareero oo uu gaaro heer kala tag ah, maadaama aysan jirin cid laga sugayo ineey dhex dhexaadiso.

.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In