Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Shabaab oo u kala jabay laba garab, kadib khilaaf ba’an oo hareeyay kooxda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Shabaab oo u kala jabay laba garab, kadib khilaaf ba’an oo hareeyay kooxda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu hareeyay khilaaf ba’an oo sababay iney kooxdu laba garab u kala jabaan.

Warar isa soo taraya oo an ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa muujinaya in kooxda uu dhex maray khilaafkii ugu adkaa ee soo mara abid, kaasoo sababay iney kooxdu laba garab oo aad u hubeysan ay u kala jabaan.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

May 23, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026

Labada dhinac ee kooxdu u kala jabtay ayaa waxaa kala hoggaaminaya Axmed Diiriye oo ah horjoogaha kooxda, kaasoo isagu aaminsan in kooxdu ku biirto ururka Daacish,  iyo  dhinaca kale oo ay hoggaaminayaan horjoogayaal lagu kala magacaabo Mahad Karatay iyo Cumar Mataan oo iyagu diddan in kooxdu ku biirto Daacish.

Horjoogayaasha kooxda ayaa isku khilaafay in kooxda lagu biiriyo Daacish iyo kale, Khilafkan oo soo jiitamayay in muddo ah,  ayaa hadda isu bedelay gacan ka hadal, waxaana laba habeen ka hor labada dhinac uu dagaal ku dhex maray tuulada Tooratooroow ee gobolka Sh/Hoose.

Magaalada Jilibna maleeshiyaadka Labada dhinac ayaa la sheegay iney xalay dhufeys isu galeen, ayna qarka u saaranyihiin ineey dagaalamaan, waxaana warku intaasi ku darayaa iney labada dhinac kala fadhiyaan laba xaafadood,  isla markaana aysan isu gudbi Karin, taasina waxey qal qal ku abuurtay dadka rayidka ah ee deggan magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in horjoogaha ugu sarreeya kooxda ee lagu magacaabo Axmed Diiriye uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku qalqaalinayay horjoogayaasha kale iney la qaataan fikirkaasi ,hase ahaatee labada horjooge oo iyagu aad ugu firfircoon maleeshiyaadka ayaa ka horyimid. Fikirkaasi.

Horjoogaha kooxda Axmed Diiriye ayaa markii uu ku hungoobay inuu horjoogayaasha kale ka dhaadhiciyo fikirkiisa, waxaa uu la xiriiray horjoogaha gooni u daaqa noqday ee lagu magacaabo Muqtaar Rooboow, isagoo ugu yeeray in uu dhex dhexaadiyo labada dhinac hase yeeshee horjooge Rooboow waa uu ku gacan seyray dalabka Axmed Diiriye.

Khilaafka u dhaxeeya kooxda ayaa la filayaa in uu circa isku sii shareero oo uu gaaro heer kala tag ah, maadaama aysan jirin cid laga sugayo ineey dhex dhexaadiso.

.

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khatarta cudurka Ebola kadib markii laga helay Uganda...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose,...

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In