Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka aduunka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, isagoona ku tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin bulshada inuu yahay mid muhiim ah, marka loo eego dhanka bar baarinta qoyska, caafimaadka caruurta iyo waxbarshadooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay haweenku ay la kulmeen tacadiyo badan, ayna ahaayeen kuwa ugu jilicsan oo ay soo gaareen dhibaatooyinka dalka soo wajahay mudadii rubuc qarniga ahayd. dhanka kalana ay horeed ka ahaayeen isku xirka bulshada xiliyadii ay dagaalada ka socdeen dalka, waxayna qaybna ka yihiin mar kasta nabadaynta iyo horumarka bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025

“Waxay noo tahay fursad inaan cusboonaysiino iney naga go’antahay in ammaanka iyo daryeelka haweenka uu udub dhexaad u yahay siyaasada xukuumadda. Inkastoo xeerar fara badan la soo saaray oo qeexaya ilaalinta xuquuqda haweenka, hadana waxaa jira wax badan oo aan wali qabsoomin. Sharciyo la soo saaray keliya ma xoreeyn karaan xuquuqda haweenka. balse waxaa loo baahan yahay in loo wada istaago sidii loo hormarin lahaa daryeelka haweenka iyo inaan u badalno balan qaadkeena mid ficil ah” ayuu yiri RW Cumar

“Haweenka Soomaaliyeed waa asaaska nolosha qoyska, waxayna saamayn ku leeyihiin jirtaanka qoyska ee dhanka waxbrashada iyo caafimaadka, waxaan balan qaadaynaa inaan sare u qaadno fursadaha haweenka ee dhanka maamulka iyo daryeelkooda guud, waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan dhagaysano codkooda” ayuu yiri RW Cumar

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Haweenku ay ku leeyihiin horumarka bulshda door aan caadi ahayn marka la qeexayo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan in dumarku kaalin muuqata ka qaataan dhanka nabadaynta iyo is dhex galka bulshada.

Previous Post

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Next Post

Munaasabad lagu qabtay Xamar Jajab” SAWIRRO”

Next Post
Munaasabad lagu qabtay Xamar Jajab” SAWIRRO”

Munaasabad lagu qabtay Xamar Jajab” SAWIRRO”

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In