Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali “Sharma’arke” iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gagaduud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa Dhuusamarreeb kulamo kula qaatay maamulka gobolka Galgaduud, madaxda dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo uu kala hadlay arrimo badan oo ay ugu horeysa xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay inta uusan ka ambabixin Dhuusamarreeb ayaa tilmaamay inay guul ku dhamaatay booqashadiisa Galgaduud, waxaana uu xusay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay garabtaagnaan doonto dadaallada dib-u-heshiisiineed ee ka socda gobolka Galgaduud.

“Waxaa lasoo afjaray colaaddii waayahan ka taagnayd magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, shirka maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud uu furmayo marka uu dhammaado shirka dib-u-heshiisiinta ee ka socda Dhuusamarreeb”.ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha intii uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb waxa uu kaga qeyb galay xuska maalinta Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaaladaasi, kaasi oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Elman.

Fartuun Cabdisalaam Guddoomiyahay Hay’adda Elman ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul wasaaraha ka qeybgalka munaasabadda ay soo qaban qaabiyeen, waxaana ay intaa ku dartay inay ku dadaalayaan sidii haweenka ay door muuqdo uga qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Xaquuq badan ayay haweenku leeyihiin, waan ku dadaaleynaa inay helaan xuquuqda, teeda kale dowladda xubno badan oo haweenka ah ayaa ku jira, waana sii dadaaleynaa”.

IMG-20150222-WA0001

IMG-20150222-WA0002

IMG-20150308-WA0000

IMG-20150308-WA0001

IMG-20150308-WA0002

IMG-20150308-WA0004

IMG-20150308-WA0005

IMG-20150308-WA0006

IMG-20150308-WA0007

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Next Post
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In