Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 9, 2015
in Wararka
0
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane oo kormeeray xaruntii xanaanada xoolaha ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in sida ugu dhiqsiyaha badan dib-u-dayactir lagu sameeyn doono.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa howlo indho indheyn ah ku soo sameeyay xarunta xanaanada xoolaha ee ku taala Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu Warbixinno ka dhageystay dadkii gacanta ku hayay, isagoo u jeedka kormeerkiisu ahaa u kuurgelidda xaruntaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Faadumo Jaamac oo ah haweeneyda gacanta ku haysto muddada bur burka kaddib, xarunta, isla markaana iminka ku xanaaneyso xoolo ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in xarunta xanaanada xoolaha ay ku wareejiso dowladda, si markale loogu adeego bulshada oo lagu xanaaneeyo xoolaha.

Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa sheegay in xaruntii uu booqday ay ka muuqato bur bur ah, una baahan in dib loo howlgeliyo, isagoo uga mahadceliyay dadkii gacanta ku hayay xarunta Xanaanada Xoolaha.

“Wax dayactir iyo dib u habeyn lagu ma sameynin tan iyo bur burkii dalka kaddib, runtii xarumihii lagu xanaaneyn jiray xoolaha laguma fekerin in dib u habeyn lagu sameeyo, balse waxaan qorsheyneynaa in arrintaan aan ka shaqeyno oo aan dib u yagleelno dib u soo nooleeynta xarumaha” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha.

Previous Post

RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In