Monday, July 4, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

March 8, 2015
in Wararka
0
RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali “Sharma’arke” iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gagaduud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa Dhuusamarreeb kulamo kula qaatay maamulka gobolka Galgaduud, madaxda dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo uu kala hadlay arrimo badan oo ay ugu horeysa xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022

Ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay inta uusan ka ambabixin Dhuusamarreeb ayaa tilmaamay inay guul ku dhamaatay booqashadiisa Galgaduud, waxaana uu xusay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay garabtaagnaan doonto dadaallada dib-u-heshiisiineed ee ka socda gobolka Galgaduud.

“Waxaa lasoo afjaray colaaddii waayahan ka taagnayd magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, shirka maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud uu furmayo marka uu dhammaado shirka dib-u-heshiisiinta ee ka socda Dhuusamarreeb”.ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha intii uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb waxa uu kaga qeyb galay xuska maalinta Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaaladaasi, kaasi oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Elman.

Fartuun Cabdisalaam Guddoomiyahay Hay’adda Elman ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul wasaaraha ka qeybgalka munaasabadda ay soo qaban qaabiyeen, waxaana ay intaa ku dartay inay ku dadaalayaan sidii haweenka ay door muuqdo uga qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Xaquuq badan ayay haweenku leeyihiin, waan ku dadaaleynaa inay helaan xuquuqda, teeda kale dowladda xubno badan oo haweenka ah ayaa ku jira, waana sii dadaaleynaa”.

IMG-20150222-WA0001

IMG-20150222-WA0002

IMG-20150308-WA0000

IMG-20150308-WA0001

IMG-20150308-WA0002

IMG-20150308-WA0004

IMG-20150308-WA0005

IMG-20150308-WA0006

IMG-20150308-WA0007

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Next Post
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo ku baaqay In Gurmad La Gaarsiiyo Dadka ay Abaarta Sameeysay

July 4, 2022
0

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In