Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane oo kormeeray xaruntii xanaanada xoolaha ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in sida ugu dhiqsiyaha badan dib-u-dayactir lagu sameeyn doono.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa howlo indho indheyn ah ku soo sameeyay xarunta xanaanada xoolaha ee ku taala Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu Warbixinno ka dhageystay dadkii gacanta ku hayay, isagoo u jeedka kormeerkiisu ahaa u kuurgelidda xaruntaasi.

Related posts

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025

Faadumo Jaamac oo ah haweeneyda gacanta ku haysto muddada bur burka kaddib, xarunta, isla markaana iminka ku xanaaneyso xoolo ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in xarunta xanaanada xoolaha ay ku wareejiso dowladda, si markale loogu adeego bulshada oo lagu xanaaneeyo xoolaha.

Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa sheegay in xaruntii uu booqday ay ka muuqato bur bur ah, una baahan in dib loo howlgeliyo, isagoo uga mahadceliyay dadkii gacanta ku hayay xarunta Xanaanada Xoolaha.

“Wax dayactir iyo dib u habeyn lagu ma sameynin tan iyo bur burkii dalka kaddib, runtii xarumihii lagu xanaaneyn jiray xoolaha laguma fekerin in dib u habeyn lagu sameeyo, balse waxaan qorsheyneynaa in arrintaan aan ka shaqeyno oo aan dib u yagleelno dib u soo nooleeynta xarumaha” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha.

Previous Post

RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb...

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- BAAQ NABADEED Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In