Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muungaab: “Waddo aan gacanteena ku dhisanay inaan ku socono waa wax weyn” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 14, 2015
in Wararka
0
Muungaab: “Waddo aan gacanteena ku dhisanay inaan ku socono waa wax weyn” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeeray waddada isku xirta Isgoysada Baar Ubax iyo Howlwadaag, halkaasi oo dhawaan la saaray laami casri ah.

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha Gobolka ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda suuqa bakaaraha, sida ay u socdaan howlaha ganacsi iyo dib u habeynta lagu sameeyay laamiga dhex mara suuqaasi.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

August 24, 2025
Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

August 23, 2025

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo la hadlay Wabraahinta ayaa guddoomiyaha gobolka banadir iyo xubnii la socday uga warbixiyay xaaladda suuqa bakaaraha iyo dhismaha waddadasi, isagoo ganacsatada ka dalbaday inay bixiyaan canshuurta.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa sheegay in dowladda hoose ee xamar oo kaashanaysa ganacsatada suuqa Bakaaraha ay ku guuleysteen in waddo 1-km ah oo dhexmarto Suuqaasi ay laami saaraan.

“Tani waxa ay muujineysaa in aan nahay dad wax qabsan kara, waxaan markale ku celinayaa baaqii ahaa “Dhiso dalkaaga oo uu horey Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

24 sano kaddib ayay noqoneysaa markii laami casri ah la saaray wadada isku xirta Isgoysyada Baar Ubax iyo Howlwadaag, halkaasi oo ay dhibaatooyin ku qabeen ganacsatada iyo dadka kale ee ka adeeganaya suuqa bakaaraha.
 
1

SHIRKADAHA

2

3

4

6

7

8

9

10

11
Sawir Qaade:-Jabiiba

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntand iyo Wasiirka Waxbarashada DF oo kulmay

Next Post

Dhagayso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Caadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka...

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

Madaxweynaha JFS oo Bilad Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta

August 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bilad sharaf hawlkarnimo ah ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Barnaamijka Islaxisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Barnaamijka Islaxisaabtanka Xukuumadda Dan-Qaran

August 23, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaaminayo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo xiray shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo xiray shir heer Qaran ah

August 23, 2025
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shirkii heerka Qaran oo looga tashanayay sidii loo yagleeli lahaa istraatijiyad Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In