Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 19, 2015
in Wararka
0
Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo Sharaxay Saameynta Mashruuca SECIL ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT ayaa soo gabagabeeyey mashruuca SECIL oo abuuray shaqooyin iyo adeegyada hoose ee dadka deegaanka Muqdisho saddexdii sano iyo barkii la soo dhaafay,iyadoo lagu bixiyey lacag dhan 3.5 Milyan oo EURO.

Midowga Yurub iyo UN-HABITAT oo fulinaysay Mashruucan ayaa waxey dayactireen suuqyo muhiim ah, nidaamka ururinta khashin khaadka oo la aas aasay, waxaa sare loo qaaday shuruucda iyo xirfadaha waaxda dhismaha, waxaa la sameeyey sheybaarro lagu baaro tayada biyaha iyo tayada qalabka dhismaha, waxaa sare loo qaaday helitaanka biyo nadiif ah, waxaana la aas aasay Xarunta Farsamadda Tababarada,iyadoo sidoo kale la abuuray fursado qiimo badan oo shaqo abuuris iyo hab-nololeedka kooxaha bulshada ee ku shaqeeya habab qiimo jaban oo wax soo saar leh.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

“Mashruuca SECIL wuxuu guul weyn u yahay caasimadda Soomaaliya, Sidaa waxaa yiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso,wuxuuna is bedel muuqda ku sameeyey nolosha dadka degan Muqdisho maalin kasta,isagoo bixiyay biyo nadiif ah, deegaan nadiif ah iyo shaqooyin badan.  Taasina  waa waxay Soomalidu rabaan.

Mashruuca, “Joogteynta Shaqo-abuurka iyo Sare u qaadista Hab-nololeedka dadka jilicsan ee Magaalada Muqdisho (SECIL)” wuxuu si dhow ula shaqeeyey Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) si loo hubiyo joogteynta howlaha mashruucan.

Midowga Yurub,UN-Habitat iyo Maamulka Gobolka ayaa waxey sharaxeen habka gaarka ah ee mashruuca SECIL waxeyna sidoo kale amaaneen muuqaalka horumarkiisa,iyagoo ku nuux nuuxsaday taageerada buuxda ee ay u hayaan Dowladda Hoose sidii ay ula wareegi lahayd una joogteyn lahayd howlaha mashruucan ee mustaqbalka.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo maanta isku raacay in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka “Sawirro”

Next Post

Tartan Sports oo maanta lagu qabtay degmada Xamarweyne “Sawirro”

Next Post
Tartan Sports oo maanta lagu qabtay degmada Xamarweyne “Sawirro”

Tartan Sports oo maanta lagu qabtay degmada Xamarweyne "Sawirro"

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In