Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boliiska Kenya oo xirey 7 ruux oo Soomaali ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Boliiska Kenya oo xirey 7 ruux oo Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boliiska deegaanka Lari ayaa xabsiga u taxaabay 7 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah ku soo galeen dalka Kenya sida ay warbaahinta dalkaasi ay u sheegeen saraakiisha Boliiska Kenya.

Dadkan Soomaalida ayaa laga qabtay xilli ay marayeen Wadada Nakuru ee gasha magaalada Nairobi, daraawalkii waday gaariga dadka la qab qabtay ay saarnaayeen oo lagu magacaaabo Gerald Ochieng, ayaa isku dayay in uu baxsado hase yeeshee ugu dambeyntii waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Boliiska.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

6 kamid ah dadka Soomaalida ah oo Boliiska ay qabteen midkoodna kuma hadlaynin Luuqadaha Kiswahili iyo English marka laga reebo hal qof oo ku hadli karay Luuqada English-ka.

Madaxa Boliiska deegaanka Lari Alfred Makoma ayaa sheegay in 4 Dumar ah 3 Nin ay si sharci daro ah ku soo galeen dalka Kenya iyagoo sheegay in ay ku sii jeedaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Eastleigh oo ku taala magaalada Nairobi.

“ waxay haysteen waxyaabaha shakhsigu si gaarka ah u leeyahay sida Dharka oo kale laakiin ma aysan haysanin wax documenti ah ” ayuu yiri Makoma.

Isagoo intaa ku daray in saraakiisha wadada roondeynaysay ay Jidka ku joojiyeen gaariga balse wadaha gaariga uu isku dayay in uu si xawli ah ku dhaafo waxaana lagu horgooyay gaari kale taas oo keentay qabashada gaarigan.

Makoma oo ah Taliyaha Boliiska deegaanka Lari ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah oo ay qabteen magacyadooda ay kala yihiin Cabubakar Faraax, Xussein Cali, Xassan Gail, Najima Faraax, Nashen Cabdbulahi, Nurro Cadow and Xabiibo Jillo.

“waxaan dareensanahay in wadaha gaariga uu qarinaayo akhbaar muhiim ah,sidaa darteed waxaan sameynay diiwaangelinay gaariga si loogu sheego qofka iska leh gaariga Lab iyo Dhegid mid kuu yahay si loo ogaado qofkii soo kireystay gaariga maalintaas” ayuu hadalkiis ku daray Makoma.

Taliyaha Boliiska ayaa sheegay in dadkan Maxkamad la horgeyn doono si loogi oogo dambi ah in ay sharci daro ku soo galeen wadanka Kenya.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Lari Mr Mburu Kahangara ayaa amaanay Ciidanka Boliiska sida ay u feejigan yihiin xilli dalka uu wajahayo weerero argagaxisinimo.

Previous Post

Isku Aadka Quarter Finalka Koobka Champions League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post

Isku Aadka Quarter Finalka Koobka UEFA Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Next Post
Isku Aadka Quarter Finalka Koobka UEFA Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Isku Aadka Quarter Finalka Koobka UEFA Europa League-ga oo Lagu Dhawaaqay

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In