Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaawacyo Muqdisho ka sagootiyey (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaawacyo Muqdisho ka sagootiyey (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta inta uusan u amba-bixin magaalada Dhuusamareeb, waxa uu garoonka Muqdisho ku sii sagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxii 22-kii Jannaayo ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadan ayaa loo qaaday waddanka Boqortooyada Sacuudiga kaddib markii ay Muqdisho ay soo gaareen laba diyaaradood oo dadkaasi qaaday, waxaana sagootinta dadka dhaawacyada ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxweynaha ayaana dhaawacyada ALLE uga baryey inuu caafimaad siiyo, ugana mahadceliyey dowladda Sacuudiga sida ay umadda Soomaaliyeed u caawiyeen.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Wasiirka Caafmaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Drs Xaawo, ayaa sheegtay in dadka la qaaday guud ahaan ay yihiin 21-ka qof oo 18 ka mid ah ay yihiin dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Central Hotel ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali oo ka qeyb-galay sagootinta kana mid ahaa masuuliyiintii ku howlanaa sidii dadka dhaawacyada ah loo qaadi lahaa ayaa tilmaamay in dadaal iyo wada hadal dheer kaddib ay dowladda Sacuudiga akhbashay in ay dhaawacyadan dalkeeda u qaaddo si loogu soo dabiibo, waxa uu intaa raaciyey in Xukuumadda Soomaaliya ay si kal iyo laab ah uga mahadcelineyso dowladda Sacuudiga, welina ay jiraan wadamo diyaar u ah in ay arrintan dowladda Soomaaliya wax kala qaban doonaan.

Dadkan loo qaaday waddanka Sacuudiga ee dhaawacyada qaba, ayaa u baahnaa gargaar caafimaad oo dibedda ah, taas oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal badan ku bixisay sidii dadkaasi loo caawin lahaa oo hadda in badan oo ka mid ah lagu guuleystay.

vlcsnap-2015-03-24-19h54m35s122

vlcsnap-2015-03-24-19h51m30s3

vlcsnap-2015-03-24-19h51m49s16

vlcsnap-2015-03-24-19h52m03s152

vlcsnap-2015-03-24-19h52m42s6

vlcsnap-2015-03-24-19h53m44s49

vlcsnap-2015-03-24-19h54m20s234

vlcsnap-2015-03-24-19h54m35s122

vlcsnap-2015-03-24-19h54m49s22

vlcsnap-2015-03-24-19h55m02s139

Previous Post

Diyaarad Rakaab ah oo ku dhacday Faransiiska

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In