Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Habeenkii Labaad Ku Hoyday Dhuusa Mareeb Welina Kulama La Leh Waxgaradka Gobolada Dhex

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sii wada kulamada uu la qaadanayo bulshada ku dhaqan Gobolada dhexe{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa kulamo weli kula leh halkaasi qeybaha kale duwan ee bulshada gobolada dhexe ee uu kala hadlayo arrimaha la xiriira dar dargalinta howlaha maamul u sameynta gobolada dhexe.

Madaxweyne Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa odoyaasha kala hadlay sidii natiijooyin wax ku ool ah ay uga soo bixi lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb, isagoo intaa ku daray Madaxweynuhu in dowladda ay mar waliba garab taagantahay dhaqan gelinta go’aanada dib u heshiisiineed ee ka soo baxa shirka.

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Maxamed-deeq Cabdi Maxamed ayaa ku soo waramaya in kulamada uu Madaxweynuhu laaqatay odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ay ahaayeen kuwa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa dhameystirka shirka dib-u-heshiisiinta ee Dhuusamareeb iyo ka qeyb galka shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii labaad ku hoyday magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo madaxweynaha uu dadaal ugu jiro sidii loo dar dar galin lahaa maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana safarka madaxweynaha ee galgaduud uu qeyb ka yahay dadaalada Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto hirgalinta Nidaamka Federaalka ah.

Previous Post

Mudanayaal ka tirsan Congres-ka Mareykanka Oo taageeray hindise Taageero Dhaqaale lagu siinayo Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In