Sunday, September 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 28, 2015
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roma. 28.March. 2015 ….Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo maanta War qoraal ah kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii wuxuushnimada ahaa ee Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Makka Al-mukarramaha ee magaalada Mudisho, kaasoo ay ku laayeen dad u badnaa shacab oo ku sugnaa gudaha hoteelka.

Danjiraha ayaa ugu horeyn isagoo ku hadlaya magaca safaaradda ,howlwadeennada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga tacsi ugu diray shaciga Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey weerarkaasi, waxa uuna Alle uga baryey kuwii ku dhaawacmay inuu Eebbe si deg deg ah u bogsiiyo.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

September 14, 2025
Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka Oo Lagu Soo Xiray Dalka Ruushka

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka Oo Lagu Soo Xiray Dalka Ruushka

September 14, 2025

Safiir Muuse Xasan ayaa  si gaar ah tacsi ugu direy ehellada iyo dhammaan Ummadda Soomaliyeed ee uu ka geeriyoodey danjirihi Soomaaliya u fadhiyey xarunta xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobey ee Genève, Marxuun Yuusuf Bari bari oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka hotelka, waxa uuna ku amaanay safiirku inuu ahaa wadani jecel dalkiisa oo firfircoon, isla markaana si daacad ah ugu adeegi jiray bulshadiisa.

Ugu dambeynti Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan Cabdulle ayaa ku ammaanay Ciidamada qalabka sida doorkii ay ka qaateen so afjarista howlgalki ay ka sameeyeen Hoteelka, kaasoo ay ku khaarijiyeen dhammaan dhagar qabayaashii ka dambeeyey fulinta weerarka iyo soo badbaadintii ay cadowga ka soo badbaadiyeen dad badan oo ku xayirnaa gudaha Hoteelkaas.

 

 

 

Previous Post

Shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Denmark “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ''SAWIRO''

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Dib U Furay Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa  dib u furay xarumaha diiwaangelinta dadweynaha ee Gobolka Banaadir,kadib warsaxaafadeed rasmi...

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka Oo Lagu Soo Xiray Dalka Ruushka

Shirka Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka Oo Lagu Soo Xiray Dalka Ruushka

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(St. Petersburg):-Waxaa magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka...

Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

September 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO(CEELDHEER): Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii...

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In