Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray degmada Caabudwaaq “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 2, 2015
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray degmada Caabudwaaq “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxana wafdiga kamid ah Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane C/laahi Yuusuf Allenkey, La-taliyaha dhinaca Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Saahid M. Cali, (Qodhob) Xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, Siyaasiyiin iyo Waxgarad, waxana ujeedka socdaalkooda yahay in wada tashi lala yeesha bulshada dhaqan deegaanka waqooyiga Galgaduud, si ay doorkooda uga qaataan nabad kusoo badaallida dalka iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwen ee bulshada. Waxana soo dhaweynta kadib uu kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

Guddoomiyaha degmad Caabudwaaq Mudane C/risaaq Xasan Cowll oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta, ayaa  Wasiirka iyo wafdiga la socda  uga mahad-celiyay booqashada uu ku soo gaaray degmada Caabudwaaq.

”Waan ku faraxsanahay mudane  Wasiir adiga iyo Wafdiga aad hoggaaminayso booqashada aad maanta noogu timaadeen, shacabkii degmada ku noolaa dhammaantood waa ku sugayaan. Waxaan filaynaa muddada aad nala joogtaan inaad wax badan ka ogaan doontaan xaaladda degamada Caabudwaaq oo runtii ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri Guddoomiye degmada Caabudwaaq.

Ugu danbayntii, waxaa Munaasabadda soo xiray  Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo shacabka iyo maamulka degmad Caabudwaq uga mahad-celiyey soo-dhaweynta aan loo kala harin ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in dowladdu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha degmada.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafiga ila socda, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa shacabkeedu in ay iyagu door ku yeeshaan dhismaha dowladnimada isla markaana ay dowladdu u  fududeyneyso inay sameystaan Maamulo  ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka. Waxaan wadatashi ka yeelan doonaa wax walba oo horumar keeni kara sida dhismaha maamullada, dhismaha Ciidan qaran iyo baahida kala duwan ee deegaanka ka jirta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya ayaa ku sugnaan doona degmada Caabudwaaq maalmaha soo aadan waxayna kulamo kala duwan la yeelan doonaan shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Waqooyiga Galgaduud, si loo dhageysto aragtida, Siyaasiyiin, Waxgaradka iyo shacabka deegaanka.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

                                               

 

 

Previous Post

Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Next Post

Wargelin” Soo weydi Su’aal ama ra’yi wasiirka Dastuurka oo berri marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka

Next Post
Wargelin” Soo weydi Su’aal ama ra’yi wasiirka Dastuurka oo berri marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka

Wargelin" Soo weydi Su'aal ama ra'yi wasiirka Dastuurka oo berri marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In