Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Istaraatiijiyad siyaasadeed ka dhan ah argagixisada oo ay dowladda sameysay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 2, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay istaraatiijiyad cusub oo ka dhan ah argagixisada Soomaaliya,  taasoo sahleysa soo afmeeridda kooxaha nabadda diiddan ee Soomaaliya.

Kulan xasaasi ahaa oo golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayeey wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ku horgeysay istaraatiijiyad siyaasadeed ka dhan ah argagixisada, taasoo ku wajan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha la dagaallanka xagjinimada.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Israatiijiyad siyaasadeedkan ayaa leh tiirar faah-faahsan oo ay ku xusan yihiin sida loogu amba-qaadayo qorshahan ay dowladda ugu talagashay in ay dalka oo dhan ku nabaddeyso, waxa ayna Tiirarka ka kooban yihiin shantan.

1-Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qorshe cad ka yeelatay la dagaallanka argagixisada ayeey xoojineysa xag Military iyo xag Sirdoon

2-Dowladda Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa xasilinta dhammaan deegaannada laga xoreeyey maleeshiyaadka argagixisada, iyadoo ahmiyad gaar ahna siineysa sarreyna sharciga iyo dowladda wanaagga.

3-Dowladdu waxa ay sameysay qorshe looga soo kabanayo weerarrada gurracan ee argagixisada u geysato Ummadda Soomaaliyeed.

4-Dowladda Soomaaliya waxa  ay sameysay  istaraatiijiyad ku aaddan in hal cod  ay shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiso waxyaabaha ku saabsan wararka Xagjiriinta Soomaaliya ee Al-Shabaab ama UGUS.

5-Tiirka shannaad, waxa uu leeyahay, dowladda Soomaaliya waxa ay dhaqan baddellid ku sameyneysaa  dhallinyarada ay marin-habaabiyeen argagixisada, isla markaana waxa ay  fursad  siineysaa horjoogayaasha iska diida ka sii mid ahaanshaha argagixisada oo fikir qaldan ku hoggaaminayey dhallinyarada ay qadleen, waxaana Culimada Soomaaliyeed ay xoojinayaan wacyigelinta  la xiriirta sidii shacabka loogu gudbin lahaa dhibaatooyinka ay leeyihiin xagjiriinta Soomaaliya ama argagixisada.

Shantan tiir ee ay sharci siyaasadeedka ku soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,umma baahna in loo gudbiyo Barlamaanka Soomaaliya oo waxa uu ku dhaqangalayaa sidiisa, si loo dardargaliyo qorshaha xasilinta, nabaddeynta iyo cadaaladda ee dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaana bulshada Soomaaliyeed siineysa fursad ay kula shaqeeyaana hey’adaha ammaanka, si looga hortago isku dey walba oo ay damacsan yihiin nabad diidka.

 

Previous Post

Ciidamda Ammaanka Kenya oo Soo Gabagabeeyay howlgalkii Jaamacada Garissa “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bardhiga wareeysiyada

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bardhiga wareeysiyada

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In