Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Istaraatiijiyad siyaasadeed ka dhan ah argagixisada oo ay dowladda sameysay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay istaraatiijiyad cusub oo ka dhan ah argagixisada Soomaaliya,  taasoo sahleysa soo afmeeridda kooxaha nabadda diiddan ee Soomaaliya.

Kulan xasaasi ahaa oo golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayeey wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ku horgeysay istaraatiijiyad siyaasadeed ka dhan ah argagixisada, taasoo ku wajan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha la dagaallanka xagjinimada.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Israatiijiyad siyaasadeedkan ayaa leh tiirar faah-faahsan oo ay ku xusan yihiin sida loogu amba-qaadayo qorshahan ay dowladda ugu talagashay in ay dalka oo dhan ku nabaddeyso, waxa ayna Tiirarka ka kooban yihiin shantan.

1-Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qorshe cad ka yeelatay la dagaallanka argagixisada ayeey xoojineysa xag Military iyo xag Sirdoon

2-Dowladda Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa xasilinta dhammaan deegaannada laga xoreeyey maleeshiyaadka argagixisada, iyadoo ahmiyad gaar ahna siineysa sarreyna sharciga iyo dowladda wanaagga.

3-Dowladdu waxa ay sameysay qorshe looga soo kabanayo weerarrada gurracan ee argagixisada u geysato Ummadda Soomaaliyeed.

4-Dowladda Soomaaliya waxa  ay sameysay  istaraatiijiyad ku aaddan in hal cod  ay shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiso waxyaabaha ku saabsan wararka Xagjiriinta Soomaaliya ee Al-Shabaab ama UGUS.

5-Tiirka shannaad, waxa uu leeyahay, dowladda Soomaaliya waxa ay dhaqan baddellid ku sameyneysaa  dhallinyarada ay marin-habaabiyeen argagixisada, isla markaana waxa ay  fursad  siineysaa horjoogayaasha iska diida ka sii mid ahaanshaha argagixisada oo fikir qaldan ku hoggaaminayey dhallinyarada ay qadleen, waxaana Culimada Soomaaliyeed ay xoojinayaan wacyigelinta  la xiriirta sidii shacabka loogu gudbin lahaa dhibaatooyinka ay leeyihiin xagjiriinta Soomaaliya ama argagixisada.

Shantan tiir ee ay sharci siyaasadeedka ku soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,umma baahna in loo gudbiyo Barlamaanka Soomaaliya oo waxa uu ku dhaqangalayaa sidiisa, si loo dardargaliyo qorshaha xasilinta, nabaddeynta iyo cadaaladda ee dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaana bulshada Soomaaliyeed siineysa fursad ay kula shaqeeyaana hey’adaha ammaanka, si looga hortago isku dey walba oo ay damacsan yihiin nabad diidka.

 

Previous Post

Ciidamda Ammaanka Kenya oo Soo Gabagabeeyay howlgalkii Jaamacada Garissa “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bardhiga wareeysiyada

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bardhiga wareeysiyada

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In