Wednesday, June 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Deeq Bixiyeyaasha uga socday Kampala oo soo gebageboobay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 3, 2015
in Wararka
0
Shirkii Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Deeq Bixiyeyaasha uga socday Kampala oo soo gebageboobay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah ee taageera Baarlamaanka uga soconayey magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa lasoo gebagebeeyey ayadoo shirkanna looga hadlayey dhameystirka howlaha Baarlamaanka u harsan inta laga gaarayo sanadka 2016ka.

Shirkan oo ka socday magaalada Kampala mudo seddex cisho ah ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Koobaad Mudane Jeeylaani Nnur Iikar iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ay wadajir ugu soo bandhigeen hay’adaha taageerra Baarlamaanka Soomaaliya shaqooyinka muhiimka u ee Baarlamaanka u harsan in uu qabto kuwaasi oo lagama maarmaan u ah hiigsiga 2016ka.

Related posts

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha deeq bixiyeyaasha ah ee taageerra Baarlamaanka ayaa si wadajir ah isula meel dhigay howlaha la qabanayo iyo taageerrada ay hay’adaha ku yeelan karaan hirgelinta shaqooyinkaas sida dhameystirka sharciyada muhiimka u ah hiigsiga 2016ka sida dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka,sameynta sharciga nidaamka axsaabta iyo hirgelintiisa,hirgelinta nidaamka federaalka iyo wacyigelinta dadweynha ayadoo la adeegsanayo Warbaahinta.

Shirkan lagu soo gebagebeeyey magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa ahaa shirkii seddexaad ee ay yeeshaan Guddoonka iyo hay’adaha Baarlamaanka taageerra waxaana qodobbada shirkan looga hadlay ay muhiim guud ahaanba u yihiin Kalfadhiyada u harsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah hay’adda sharci dejineed ee Dalka ayadoo Kalfadhiyadaasina uu ugu horeeyo Kalfadhiga 6-aad oo dhowaan si rasmi ah u furmi doona.

DSC_5114

DSC_5115

DSC_5120

DSC_5123

DSC_5126

DSC_5131

DSC_5139
W/D:Jeyte

Previous Post

“Hadii ardayda loo kala saaray Muslim iyo Kirishtaan Hoteelada Muqdisho yaa lagu beegsaday” Sheekh C/raxmaan Janaqow

Next Post

Dibad bax looga soo horjeedo dhibaatadii shalay oo Gaarisa lagu qabtay

Next Post
Dibad bax looga soo horjeedo dhibaatadii shalay oo Gaarisa lagu qabtay

Dibad bax looga soo horjeedo dhibaatadii shalay oo Gaarisa lagu qabtay

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka FOCAC oo lagu qabtay Magaalada Changsha

June 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hoggaaminayey wafdi heer sare ah oo...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo dardaaran u dirtay kormeerayaasha Imtixaanka Qaranka

June 11, 2025
0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar,ayaa si gaar ah ugu boorrisay Saraakiisha iyo Kormeerayaasha Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In