Boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Gaarisa ayaa maanta dibad bax ay ugu soo horjeedaan dhibaatadii shalay ka dhacday Jaamacadda Gaarisa ka dhigay wadooyinka magaalada Gaarisa.
Dibad baxa Gaarisa lagu qabtay maanta ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada dalka Kenya,Xildhibaanka laga soo doorta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya isla markaana ah hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale, gudoomiyaha Countiga Gaarisa Nadiif Jaamac iyo inta badan masโuuliyiinta laga soo doorta guud ahaan gobolka Waqooyi Beri.
Masโuuliyiinta dalka Kenya oo boqolaal kamid ah dadka reer Gaarisa kula hadlayay garoonka kubadda cagta ayaa sheegay in la adkeyn doono amniga magaalada Gaarisa isla markaana dowladda Kenya ay xoojin saari doonto arintaasi.
Dhinaca kale 500 oo kamid ah ardayda Jaamacadda Gaarisa oo ka bad baaday weerarkii shalay ayaa maanta loo kala qaaday deegaanadii ay ka soo jeedeen iyadoo Jaamacadda Gaarisa la xiray