Thursday, October 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Jaamacadda Jobkey oo u fariistay Imtixaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ardayda Jaamacadda Jobkey oo u fariistay Imtixaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In kabadan 2,500 oo arday oo wax ka barata Jaamacadda Jobkey ee magaalada Muqdisho ayaa u fariistay imtixaanka Jaamacadda, kaasi oo lagu qabanayo ilaa iyo afar xarumood oo labo ka mid ah ay Jaamacaddu ku leedahay Muqdisho, halka labada kale ay ku yaalaan magaalooyinka Jowhar iyo Beladweyne ee gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Madaxa Imtixaanaadka Jaamacadda Jobkey Siyaad Barre Sheekh ayaa tilmaamay in ardayda ay tiradoodu gaareyso labo kun, shan boqol, lixdan iyo labo qof, isla markaana uu u rajeeyay in ay  ku guuleystaan imtixaanka midterm-ka ee sanadkan.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

October 23, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

October 23, 2025

“Waxaan u rajeynayaa ardayda ka qeyb qaadaneysa imtixaanka in ay guulo ka soo hoyaan, isla markaana keenaan natiijooyin wax kuool ah, waxaana u mahadcelinayaa maamulka sare ee Jaamacadda oo had iyo jeer isku howla kor u qaadida aqoonta ardayda wax ka barata Jaamacadda Jobkey” ayuu yiri Siyaad Barre.

Dhinaca kale, Madaxa Imtixaanaadka Jaamacadda Jobkey ayaa sheegay in qeybta Masterka ama heerka labaad ee Jaamacadda ay kala kaashanayaan Jaamacadda Cavendish ee dalka Uganda, iyagoo qaadanaya arday cusub oo noqoneysa dufcadii labaad, isagoo ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed iney ka faa’ideystaan, iskana diiwaangeliyaan xarumaha Jaamacaddaas, iyadoo ardayda la qaadanayo ay tahay mid xadidan.

IMG_0151 IMG_0161 IMG_0163 jobb_1 jobb_7

Previous Post

Guddoomiyeyaal degmo oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay “SAWIRRO”

Next Post

Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo tababar uga socda dalka Turkiga oo la kormeeray “SAWIRRO”

Next Post
Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo tababar uga socda dalka Turkiga oo la kormeeray  “SAWIRRO”

Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo tababar uga socda dalka Turkiga oo la kormeeray “SAWIRRO”

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

October 23, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

October 23, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, waxay tacsi...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

October 23, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In