Ciidammo ka tirsan maamulka koonfur-galbeed Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray magaalada Maydhabo ee xarunta Gobolka baay ayaa loogu baaqay in ay der-der geliyaan la dagaalanka kooxda Argagixisada ah ee UGUS Alshbaab.
Tababarka ayaa waxa uu socday muddo sadex bil ah waxaana qaatay askar gaaraysa sadex boqol oo askari taasoo ay bixinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidammadda Midowga afrika ee AMISOM ee kusugan magaalada baydhabo.
Mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabaddii tababarka loogu sooxirayay askarta ayaa dhammaan ku booriyay in ay ka qayb qaataan Askartaan Fursadda helay ka xuraynta Ururka UGUS Alcaaqidda Deegaannada gobolka baay.
Madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u Mahad celiyay Saraakiisha Ciidammadda AMISOM sida Tababarka ay u siiyeen ciidammadda maamulka koonfur-galbeed Soomaliya iyo Dhammaan hay’adihii dhaqaalaha ku bixiyay muddadii uu tababarka Socday
“Ciidammaddaan waa kuwii ka saari lahaa dhibaatada dadka dega gobolka baay Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa in ay nagu garab istaagto la dagaalanka Ururka UGUS waxaan diyaar u nahay in aan la dagaalanno Cadowga Alshabaab meelkasta oo ay ka joogaan Gobolka” ayuu yiri Madaxweynaha koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
Shalaay ayey ahayd markii Ciidammadii ugu horeeyay maamulka koonfur-galbeed tababar loogu soo xiray magaaladabaydhabo ee Xarunta gobolka baay taasi oo u muuqata in haatan loo diyaar garoobayo Baacsiga qaybta ka hartay kooxda Gumaadka Ummadda soomaliyeed ee UGUS.