Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda uga qayb galay Dalka Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Aprili 8, 2015…Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee DFS, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa  gaaray Magaalada Kuwait ee Dalka Kuwait, halkaas oo uga qeyb galay shirka  sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda wadamada  Carabta, kaas oo soconayay  muddo labo cisho ah.  Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa  Garoonka  ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheekh iyo Masu’uuliyiin kale ee ka socday Hay’adaha Maaliyadda ee Carabta.

Shirkan oo soconayay muddo  laba cisho ah waxaa looga hadlay laba ajande oo kala ah, sidii wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay isaga kaashan lahaayeen fududaynta Canshuuraha bedeecadaha isaga goosha wadama Carabta iyo in wadamada Xubanha ka ah Jaamacadda Carabta ay is-dhaafsi Khibradeed uga sameysan lahaayeen arrimaha la xiriira Canshuuraha Badeecadaha.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti), oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  Soomaaliya  ay horumar la taaban karo ka sameysay dhanka Maaliyadda sanadihii ugu danbeeyay, isla markaana dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan horumarinta Adeegyada Maaliyadda ee Soomaaliya si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kamid tahay.

“Waxaan dhaqan-gelinay qaab isla xisaabtanka maaliyadda oo hufan, waayo tani waxay naga saacidaysaa hagaajinta dhanka Maaliyadda oo sanadihii danbe dib usoo kabanayay, waxayna dhanka kale kalsooni weyn siinaysa deeq-bixiyeyaasha iyo shirkadaha doonaya inay maal-gashadaan Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aaden Ibrahim.

Gaba-gabedii shirka ayaa waxaa la isku raacay laba arimood oo kala ah in la sii xoojiyo iskaashiga Maaliyadeed ee ka dhaxeeya Wadamada Carabta iyo sidoo kale in xubnaha ka midka ah Hay’adahaan ay kordhiyaan qoondada Maaliyadeed ee ay hadda ku deeqaan Sanduuqyada Lacagta.

—DHAMAAD—

IMG_1337 IMG_1347 IMG_1357 ZUR_0073 (1) ZUR_0344 (1)

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti “Sawirro”

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeybgalay Jabuuti "Sawirro"

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In