Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka qeybgalay aas Garowe loo sameeyay marwadii C/raxmaan Faroole “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 9, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka qeybgalay aas Garowe loo sameeyay marwadii C/raxmaan Faroole “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 9-4-2015 ka qeyb-galay aas qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland loogu sameeyey Allaha u naxariiste marwadii Dr.Cabdiraxmaan “Faroole” Madaxweynihihii hore ee Puntland Marxuumad Aamino Abiib.

Aaska  ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Punttland, Madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire, Isimo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed “Faroole”, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeryootay maanta magaalada Garoowe.

” Anigoo ku hadlaya magaca Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Ilaahay waxaan ka rajaynayaa meesha ay joogtay meel ka kheyr badan in uu geeyo intii ay ka dhimatayna ka samir siiyo ” Ayuu hadalka raaciyey Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidoo kale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumada, waxaana uu Alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

IMG_4127 IMG_4133 IMG_4135 IMG_4149 IMG_4155 IMG_4162 IMG_4183

 

 

Previous Post

R/wasaaraha dalka oo tacsi u diray qoyska reer Cabdiraxman Faroole

Next Post

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Next Post
Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

July 31, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Xoghayaasha Joogtada ah...

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

July 31, 2025
0

Dr Maxamuud Mashruuc Wasiiru-dowlohii hore Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bogaadin iyo Hambalyo u Diray...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In