Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda guddiga maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, ayaa gaaray degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb,
Wafdiga ayaa waxa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga farsamada iyagoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.
Kornel Cabdi Maxamed Madaxwayne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb ayaa wufuudan ku soo dhaweeyay magaalada Cadaado.
Maxamed Xaashi Carabey guddoomiye ku xigeenka guddiga farsamada ayaa sidoo kale sheegay in gudigii farsamada ay maanta intooda badan ay Cadaado yimaadeen hawshoodana bilaabayaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa isna sheegay in uu hordhac u yahay wufuud badan oo ka socda dawlada Soomaaliya oo Cadaado ku soo wajahan.
Maxamuud cabdi Diirshe