Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga: “Kalluumeysato halaga caawiyo inay helaan qaboojiyeyaal”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in kalluumeysatada Soomaaliyeed ay dhibaato ka haysato helitaanka agabkii ay ku qaboojin lahaayeen marka ay kalluunka badda kala soo baxaan, isagoo baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed in arrimahaasi laga caawiyo kalluumeysatada.

Wasiirka Kalluumeysiga oo ka hadlayay siminaar shalay Muqdisho loogu soo xiray haween ka ganacsada kalluunka ayaa sheegay in kalluumeysatada Soomaaliyeed aysan haysanin agabyo ku filan oo ay kaga faa’iideysan karaan kheyraadka badda ku jira, loona baahanyahay in gacan lagu siiyo sidii ay u heli lahaayeen qaboojiyeyaal ay ku keydsan karaan kalluunka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Saq dhexe qofkii badda u galay in uu kalluun soo helo, kalluunkii aad badda kala soo baxday oo dhacdo in lagaa gadan waayo, isla markaana aan heysanin meel lagu qaboojiyo waxa ay niyad jebineysaa kalluumeysatada, marka waan in aan u helnaa qaboojiye, oo aan isku tashano, isla markaana aan ku dadaalno sidii kalluunka badda laga soo saaro loogu heli lahaa qaboojiyeyaal lagu keydin karo” ayuu yiri Wasiir Ceymooy.

Arrintan ayaa dhiiri gelin u noqoneysa kalluumeysatada Soomaaliyeed oo dhibaatooyin ku qaba helidda agabyo ay ku keydsan karaan kalluunkooda, marka ay badda kala soo baxaan.

 

 

Previous Post

Madaxwyene Xasan oo Urdun uga qeyb galaya shir looga hadlayo qatarta argagixisada

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo loogu baaqay inay is dajiyaan

Next Post
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo loogu baaqay inay is dajiyaan

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In