Sunday, May 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Hadliye: “Xukuumaddu waxa ay qorsheysay dib u soo daadgureynta muwaadiniinta ku xaniban Yemen”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo  qeybgalaya  Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay u diyaar garowday soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ay colaaduhu ku qabsadeen dalka Yemen.

Wasiirka Arrimaha dibadda oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA-da ayaa tilmaamay in xukuumadda ay diyaarisay qorshe ku aadan sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, isla markaana la qorsheeyay meelaha la dajin lahaa, iyadooo arrintaasi loo marayo dhanka badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Yemen.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

“Dadku waxa ay isugu jiraan labo arrimood, kuwa jecel inay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyo kuwa aan rabin inaysan soo laaban, dowladda markasta waxaa ka go’an soo badbaadinta muwaadiniinteeda ku xaniban Yemen, runtii waxaan arrintaasi u adeegsaneynaa dhanka badda oo aan qorsheyneyno in aan soo kireyno Maraakiib iyo doonyo lagu soo daad gureynayo muwaaadiniinta Yemen ku sugan, hadana diyaarad ayaa jirta oo lagu soo qaadayo maatada” ayuu yiri Mudane Cabdisalaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan gurmad u fidinta Walaalahood Soomaaliyeed, meelkasta oo ay dunida kaga xanibanyihiin.

“Waxaan qurbo joogta ku guubaabin lahaa inay furaan sanduuq lagu gar gaarayo dadkeena tabaaleysan, $10, $20 iyo 100 doolar waxa ay awoodaan, taasi wax weyn ka tareysa gurmadka loo fidinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku dhibaateysan” ayuu markale Wasiirka hadalkiisa ku daray.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta

Next Post

R/W Cumar: “Waxaa noo qorsheyneysan dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe”

Next Post

R/W Cumar: “Waxaa noo qorsheyneysan dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In