Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Garoowe midnimada Qaranka ayaan uga tashaneynaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay in wada hadallo uu halkaasi kula qaadan doono madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya, si looga tashado midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo kaashanaya madaxda kale ee dowlad gobolleedyada in u wado dadaal iyo qorshe looga arrinsanayo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa heer isku filnaasho, muhiimna ay tahay in laga wada qeyb-qaato howshaasi, waxa uu intaa raaciyey in wadatashiyada Garoowe in ay ahaan doonaan kuwa wax ku owl ah.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in sababta uu wadatashiyada Garoowe kula qaadanayo madaxda  maamul gobolleedyada in ay tahay sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dowladnimada Soomaaliya oo lagu mideysan yahay, shacabka Puntland ayuu  uga mahadceliyey sida niyad samida leh ee ay u soo dhoweeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo hadal qaaday in iskaashi buuxa ay ka leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlaha xubnaha ah la dagaallanka iyo ka hortagga argagixisada, isagoo shacabka Soomaaliyeed guud ahaanna ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay arrintaasi uga taageeri lahaayeen dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku heysata dalka Yemen, waxa uu ku ammaanday doorka Puntland iyo Somaliland ay ka qaateen sidii ay dib u dejin ugu sameyn lahaayeen dadka ka soo hayaamaya dagaallada Yemen, dowladda Federaalka ayuu xusay in aysan ka jiifin arrimahaasi oo ay waddo dadaal lagu badbaadinayo dadkaasi Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Koonfur Afrika : Sidaan ugu lisnay nooguma hambeyn!!.

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In