Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Garoowe midnimada Qaranka ayaan uga tashaneynaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 28, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Garoowe, ayaa sheegay in wada hadallo uu halkaasi kula qaadan doono madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya, si looga tashado midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo kaashanaya madaxda kale ee dowlad gobolleedyada in u wado dadaal iyo qorshe looga arrinsanayo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa heer isku filnaasho, muhiimna ay tahay in laga wada qeyb-qaato howshaasi, waxa uu intaa raaciyey in wadatashiyada Garoowe in ay ahaan doonaan kuwa wax ku owl ah.

Related posts

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in sababta uu wadatashiyada Garoowe kula qaadanayo madaxda  maamul gobolleedyada in ay tahay sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dowladnimada Soomaaliya oo lagu mideysan yahay, shacabka Puntland ayuu  uga mahadceliyey sida niyad samida leh ee ay u soo dhoweeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo hadal qaaday in iskaashi buuxa ay ka leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlaha xubnaha ah la dagaallanka iyo ka hortagga argagixisada, isagoo shacabka Soomaaliyeed guud ahaanna ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay arrintaasi uga taageeri lahaayeen dowladdooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku heysata dalka Yemen, waxa uu ku ammaanday doorka Puntland iyo Somaliland ay ka qaateen sidii ay dib u dejin ugu sameyn lahaayeen dadka ka soo hayaamaya dagaallada Yemen, dowladda Federaalka ayuu xusay in aysan ka jiifin arrimahaasi oo ay waddo dadaal lagu badbaadinayo dadkaasi Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Koonfur Afrika : Sidaan ugu lisnay nooguma hambeyn!!.

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

July 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In