Xaflada lagu taageerayey shirweynaha maamul u sameynta gobalada dhexe oo ay gogoshiisu taalo magaalada Cadaado ayna soo abaabuleen gabdhaha ka soo jeedo gobaladaasi ee ku nool wadanka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimada Dalka Sweden.
Xafladan oo ay si wada jir ah ay uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si weyn logu taageeray hanaanka uu u socdo shirweynaha, iyada oo fariin isugu jirtay guubaabo iyo dhiiri gelin loogu diray ka qeybgalayaasha shirweynaha, taas oo la xiriirtay ka mira dhalinta shirka, waxaana ergooyinkana loogu baaqay in ay la yimaadaan tanaasul iyo isu dabacsanaan.
Siyaasi Cali Salaad Xildhibaan ka tirsan Baarlakamaanka Stockholm oo xafladda ka hadlay ayaa yiri “Anaga waxaa na deeqo in shirkaasi uu maamul ka soo baxo ee shaqsigii madax ka noqonayo macno nooma sameyneyso shaqsiga uu yahay iyo degmaduu ka soo jeedo. laakiin waxaan rajeynayaa in dareenka guud iyo baahida jirta in ay qaataan oo maamul cadaalad ah gobaladaasi loo sameeyo”
Maxamuud Afgooye. Siyaasi Soomaaliyeed ayaa dhankiisa yiri “Ahmiyadda ay leedahay maamul loo helo Gbollada Mudug iyo Galgaduud, waxaad ka dareemi kartaa kaalinta ay dowlada dhexe ka qaadatay, waa u mahadcelineynaa dowladeena wey nala joogeen, weyna u seexdeen in uu maamulkaas dhismo , marka anaga doorkeena waa in aan qaadanaa hada gabdha ayaa noo bilaabay, maxaan ku kordhineynaa aqoon, dhaqaale iyo talaba”
Xaliimo Jaamac oo ka mid ahayd haweenkii ka hadashay xafladda lagu taageerayay shirweynaha ka socda magaalada Cadaado ee lagu dhisayo maamul loo dhanyahay oo ay ka wada qeyb galaan bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa tiri “Waxaan u hambaleynayaa shirweynaha ka socdo magaalada Cadaado, waxaana u rajaynayaa guul, si gaar ahaan hadii aan nahay gabdhihii gobalada dhexe, waxaan diyaar u nahay iskaa wax u qabso in aan idinku biirino hiil iyo hoo intaba”
Ka qeybgalayaasha xafladan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka gobalada dhexe inay muujiyaan isku duubni, isla markaana ay taageeraan natiijada ka soo baxdo shirkaasi, iyada oo dhinaca kale Jaaliyadda gobalada dhexe ee dalka Sweden ay balan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonto dib u dhiska iyo horumarka gobaladaaasi.