Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxda Jubaland iyo Koofur-Galbeed oo Garowe gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafuud ay kala hoggaaminayaan madaxweynayaasha dawlad-goboleedyada Jubbaland Axmed islaan Axmed madoobe iyo Koofur-Galbeed  Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe, ayagoo ka qeyb galaya shir dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada uga furmaya magaalada Garowe.

Masuuliyiinta ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah magaalada ayagoo salaamayey  dadweyne ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta wafuuddan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo dhaweynta masuuliyiintan ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan wafuudda ku sugan magaalada Garoowe ay ka wada qeyb geli doonnaan shirka wada tashiga Soomaaliya oo ah shir muhiim u ah waddanka.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan soo dhaweeyo madaxweyneyaasha dawlad-goboleedyada Koonfur-Galbeed Shariif Sasan Shiikh Aadan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaan Axmed Madoobe oo u yimid inay ka qeyb qaataan shirka wada-tashiga Soomaaliya iyo dawladnimada Soomaaliyeed. Ajadayaal badan ayaa shirkaas looga wada hadli doonaa shirkaas, shalay waxaa noo yimid madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, ujeeddaduna waxa weeye in la isku yimaado oo laga wada hadlo arrimo muhiim u ah Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Cabdiwali Gaas.

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Koonfur-Galbeed  Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey soo dhaweynta isagoo shirka Garoowe  ka rajeeyay mid is bedel wanaagsan u horseeda Soomaaliya. “waxaan rajaynaynaa in madaxda isku timid ay noqdaan kuwo taariikhda Soomaaliya wax ka beddela, dhibaatada jirtana wax ka bedela, Soomaalina gaarsiiya midnimo iyo wada-socod iyo walaalnimo iyo dawladnimo” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka jubbaland Axmerd islaan Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaantinkiisa Puntland.

“Imaantinkeenna halkaan wuxuu noqon doonaa mid natiijo guul iyo mira dhal ah laga gaaro,wax badan ayaa Soomaalidu arrimiheeda banaanno iyo meelo kale ku soo dhameysatay, waxa laga hadlayo hadday tahay hogaamiyeyaasha Soomaalidu ha isku yimaadaan oo iyagu gudahooda haku tashadeen iyadoon cidi ku dhaxjirin wixii masiirka umadda Soomaaliyeed ah hallaga tashado, waxay ila tahay mar dhaw waxaan gaari doonna sidaan si ka beddelan oo wanaagsan” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada oo dhawaan uu ka furmi doono shir u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka ka jira. Shirkaas ayaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee waddanka iyo hiigsiga 2016-ka.

Previous Post

Ardayda Jaamacadda SIMAD oo dad aragga la’ ulo u qaybisay – SAWIRRO

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 29 04 2015

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho 29 04 2015

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In