Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan riday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukunka maanta ay riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa  lagu riday 9 ruux oo 7 ka mid ah ay ahaayeen  maleyshiyaad ka tirsan kooxda nabaddiidka ah ee Al-Shabaab iyo labo askari waxaana xukunku uu iskugu jiraa dil xabsi daa’in, xabsi sanado ah iyo sii daysmo .
Kaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida gaaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ayaa  ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu ku riday ragaan lagu soo eedeeyay dambiyada kala duwan.

“Gacan ku dhiigle Axmed Aweys Xasan waxay ku xukuntay dil toogasho ah, dable Mahad Axmed oo maqane ah waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, Cabdi Ibraahim Maxamed waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah, Maxamed Maxamuud Xasan sidoo kale 10 sanno oo xabsi ciidan ah,  Ciise Maxamuud Cali Jimcaale waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah, Cabdisalaan Axmed Tifow  4.sanno oo xabsi ciidan ah, Cabdi Salal Maxamed Miidaan 4 sanno oo xabsi ciidan ah, Sheikh Cali Cismaan Shannin 4 sanno oo xabsi ciidan ah. wabilaahi towfiiq”

Related posts

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026

Qareenka u doodaya 4 ka mid ah ragaan maanta maxkamada darajada koowaad ee  ciidanka qalabka sida ay xukuntay  Xasan C/lle Farayare ayaa isagu sheegay in xukunkaas uu racfaan ka qaadanayo oo uu ugudbi
doono maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida

“Anigoo ah garyaqaankii daafacayay nimanka afarta ah ee loo haystay dilkii sarkuus ka dhacay horana Maxkamada waan ugu sheegay in ragaasi aysan ahayn ragii galay dambigaas,  waxaan idiin cadaynayaa in aan maxkamadda sarre isla aadeyno, anigoo dacwadeyda u soo bandhigaya si sharciga waafaqsan” ayuu yiri Xasan.

Previous Post

Xarunta Dhaqanka ‘ Cilmibaarista iyo Akhriska ee Awjaamac oo Daahfurtay Barnaamij Da’yarta loogu Gudbinayo Taariikhda Soomaaliya”Sawirro”

Next Post

Kenya oo sheegtey in aan la qasbi doonin dadka qoxootiga ah

Next Post
Kenya oo sheegtey in aan la qasbi doonin dadka qoxootiga ah

Kenya oo sheegtey in aan la qasbi doonin dadka qoxootiga ah

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ethiopia uga qayb-galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika

July 30, 2026
0

Wasiika Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In