Wafdi xildhibaanno ka tirsasn Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduuud,ย halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Wafdigan Xildhibaannada ah oo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaysay Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, Sidoo kale ย waxaa qayb ka ahaa Xildhinaanad Bishaaro Cabdi Garabey
iyo Faadumo Cali Xasan.
Xildhibaanada waxaa garoonka diyaaradha ee Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo ururada bulshada Mudug iyo Galgaduud qaarkood, iyadoo ay ka dhexmuuqdeen barbaarta gaashaaman oo halkaas ciyaaraha iyo hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay.
Wafdiga Xildhibnaanada ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb, ย waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo jeediyey kalmad soo dhoweyn sharaf ah.
Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilm ayaa ka mahadcelisay soo dhawaynta loo sameeyay, waxaana ay xustay in ay ku faraxsantahay inay timaado magaalada Cadaado oo shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduudย uu ka socdo, rajo weynna ka muujiyey howashaasi.