Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
John Kerry oo Gaaray Jabuuti Dhaqaalana U Balanqaaday Qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka, John Kerry ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, iyadoo Garoonka Jabuuti ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan Dawladda Jabuuti,oo  uu horkacayay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Mr. John Kerry  ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira labada dal ee Jabuuti iyo Mareykanka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Xoghayaha arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa intii uu  booqashada ku joogay  Jabuuti booqdey saldhigga ay Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi, kaasi oo ah kan ugu weyn Geeska Afrika.

John Kerry ayaa sida la xaqiijiyey Dawladda Jabuuti ugu deeqay dhaqaale aad u xooggan, kaasi oo loogu magac darey Gurmad-cusub, waxaanna dhaqaalahu uu gaarayaa 68 milyan oo US Dollar ah, ayadoo 16 Milyan Us Dollar oo lacagtaas kamid ah loo qoondeeyey qaxootiga kasoo cararaya Yamen ee Jabuuti ku Sugan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka John Kerr ayaa isla maanta gellinkii dambe u dhoofay boqortooyada Saudi Arabia isagoo kala hadli doona madaxda dalkaas sidii shacabka Yemen loo caawin lahaa, wuxuuna kaga dhawaaqi doona Sucuudiga yabooh lacageed oo Mareykanku uu ku caawinayo Yemen.

Safarka Maanta Jabuuti uu ku tagay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu qeyb ka yahay safaro uu ku marayay wadamada Geeska Africa, iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu ku yimid safar taariikhi ah islamarkaana kulamo uu kula qaatay madaxda dalka magaalada caasimada..

Previous Post

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In